Calendar

Dawlada Uganda oo sare u qaaday feejignaanta lamaaheeda ammaanka

Dowladda Uganda ayaa heegankii ugu sareeyay gelisay laamaheeda ammaanka gudaha, kadib markii ay soo saartay digniino ku aadan weeraro argagixiso oo Mareykanka uu soo saaray in dalkaas laga fulin rabo.

Laamaha ammaanka ayaa sheegay inay la wadagayaan Safaarada Mareykanka ee Kampala digniinahaas, iyadoo si xoogan ciidamo ugu daadisay xuduudaha, Air porka iyo meelaha dadka ay ku kulmaan.

Afhayeenka dowladda Uganda Ofwono Opondo ayaa sheegay in Safaarada Mareykanka ay la wadaagaan wararka xaga sirdoonka, isla markaana ay heleen macluumaad sheegeysa in suurta gal tahay weeraro argagixiso.

Safaarada Mareykanka ee Kampala ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay qorsheynayaan weeraro argagixiso oo la mid ah kii Nairobi bishii hore lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate.

“Waxaan qaadnay tallaabooyin dheeri ah oo xaga ammaanka ah, waxaa howl gelinay ciidamo isugu jira kuwo dhar cad iyo kuwa kale, waxay ciidamadaas ka howl galayaan meelaha mashquulka ah, xafiisyada dowladda iyo goobaha ganacsiga Kampala”ayuu yiri Ofwono Opondo,

Afhayeenka dowladda Uganda ayaa sheegay in Saraakiisha ammaanka Uganda ay dib u eegis ku sameeyeen tallaabooyin ay ku xaqiijinayaan in si ku filan ay ugu diyaar garoobeen ka hor-tagida weerar kasta oo ku soo wajahan dalkaas.

Al-Shabaab ayaa horay ugu hanjabay inay weeraro ka geysanayana dalalka ay Ciidamadeeda ka joogaan Soomaaliya.

Weerarkii Westgate ee Al-Shabaab ka geysteen bishii hore, kaasoo ay ku dhinteen 67-ruux ayaa muujiyay awooda Shabaab u leeyihiin in weeraro ku qaadaan dalalka deriska.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: