Calendar

Dawladda Talyaaniga oo shaacisay in ay safaarad ka dib uga furandoonto Magaalada Muqdisho.

ITALY-VOTE-BERLUSCONIBartamaha(Muqdisho):-Wasiirka arimaha Dibada Wadanka Talyaaniga Franco frattini ayaa shaaca ka qaaday in dowlada wadankiisa ay safaarad ka hergalindoonto magaalada Muqdisho Ee Caasimaa Wadanka Soomaaliya..

Wasiirka arima dibadeedka  wadanka Talyaaniga Frattini ayaa tilmaamay muhiimada ay leedahay in soomaaliya ay xiriirkeedii dib u soo cusboonaysiiyaan taasi oo uu sheegay in ay wanaagsantahay xiligan maadaama soomaaliya ay ku jirto xaalad Qatar ah in talyaaniga uu caawiyaana ay muhiimtahay.

Franco frattini ayaa hadalkaasi sheegay ka dib kulan uu magaalada Roma kula yeeshay Ra’iisul wasaaraha Dowlada Fd soomalaiya Dr.Cumar C/rashiid oo ay ka wada hadleen xiriir wanaaga labada wadan ee soomaaliya iyo Talyaaniga.

Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa horay u tilmaamay in soomaaliya ay safaarad ka furandoonto Wadanka Talyaaniga iyadoo uu safiir ay dowlada somaaliya uga dhigtay Ra’iisul wasaarihii dowladii hore Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

Xiriirka labada wadan ayaa ahaa tan iyo markiid Dowladii dhexe ay meesha ka baxday mid gaabis ah iyadoo ay dowlada Talyaaniga Noqonayso Dowladii ugu horesyay ee Reer Galbeed ah oo ku dhiiratay in Safaarad ay ka furato Magaalada ay dagaalada ka holcayaan Ee Muqdisho.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,

Muqdisho-Somalia

 

 

 

 

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: