Degaanada Puntland oo si balaaran looga xusayo 16-guuradii Dowladooda
Dabaaldagyada 1august oo ku aadan maalinkii lagu dhawaaqay Maamul gobleedka Puntland ayaa ka socdo magaalooyinkaa waawayn ee Degaanada Puntland oo ka mid yahiin Galkacyo, Garowe Bossaso.
Ilaa iyo Saakay waabarigii waxaa Degaanada Puntland gabi ahaanba ka socday dabaal dagyo waa wayn oo ku aadan xuska 1-da ogoosto oo ah maalinkii yagleelay dowladda Puntland 1998, xili Sooomaaliya inteeda kale ay ku jirtay Dagaal Sokooye oo Ba’an.
Munaasabado aad loosoo agaasimay ayaa ka dhacay maantay magaalooyinka Bossaso, Galkacyo iyo Garowe halkaas oo madaxda degaanka ay kala qayb gashay shacabka sanadguurada 16-aad ee kasoo wareegtay assaaskii Dowladda Puntland.
Sidoo kale caasumada Puntland ee Garowe ayaa waxaa ka dhacday munaasabad maamuus badan ku xardhan yahay lagu qabtay tasoo madaxwaynaha Puntland proffesor Cabdiweli Mohamed Ali Gaas, iyo dhamaanba golayaasha dowladdiisa ka kooban tahay ay kasoo qayb galeen.
Munaasabadan ayaa waxaa lagu soo bandhiday horumarka dowladda Puntland ay ka sameeysay dhinacyo badan oo ka mid yahiin, qaybaha kala duwan ee ciidanka, arimaha bulshada.
Comments
comments