Calendar

(VIDEO) Puntland: Xiriirka waan u jarnay Dowladda Federaalka

puntland president gaasGaroowe [BARTAMAHA] Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa goor dhaweyd saxaafadda kula hadlay xarunta madaxtooyada ee Puntland,waxuuna shirkiisa uga hadlay heshiiskii shalay magaalada Muqdisho lugu sheegay in maamul laga dhisayo gobollada dhexe.

Madaxweynaha Puntland waxaa uu sheegay inay ka soo horjeedan habka ay dowladda u martay dhismaha maamulka gobollada dhaxe oo la sheegay gobolka Mudug iyo Galgaduud inay noqon doonan maamulka.

Dr Cabdiweli ayaa sheegay in dowladda Puntland ay ka xuntahay ka qeyb-galka xubanha beesha caalamka iyo inay marqaati ka noqoto heshiis khilafsan dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

Waxuu sheegay madaxweynuhu inay nasib darro tahay in madaxda dowladda faderaalka ay horseed ka noqdaan heshiis ka hor imaanaya dastuurka iskana horkeena bulshada Soomaaliyed.

Madaxweynaha ayaa shirkiisa ugu baaqay xubanaha kaga jira golayaasha dowladda dhexe ee ka soo jeeda Puntland inay muddo 15 berri guddahood ah  ku soo gaaran Puntland si ay ula tashadan.

Dowladda Puntland ayaa dib ugu yertay xubintii wakiilka ugu ahaayd guddiga dibu eegista dastuurka,Marwo Caasho Geelle.

Madaxweynaha Puntland waxuu sheegay inay Puntland go’aan ku gartay inay joojiso xiriir iyo wada-shaqeyn waxii ay la laheyd dowladda faderaalka.

Ugu danbeyn waxuu sheegay madaxweynu inuu cadeynayo waxii dhib ah ee ka yimaada heshiiska dhismaha maamulka gobollada dhaxe oo lugu daray deegaanno ka tirsan Puntland,waxii dhib ah ee ka yimaada inay dowladda faderaalka mas’uul ka tahay.

BARTAMAHA ONLINE

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Featured, Wararka Maanta and tagged , , , .
« »

Comment: