Calendar

Dhalinyaro farabadan oo lagu soo xiray hawlgallo dhanka ammaanka ah oo Muqdisho laga sameeyay

Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa howgallo ay maanta ka sameeyeen degmada Kaxda oo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir kusoo qabqbatay dhallinyaro fara badan oo lagu tuhmay inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.

Howlgalkan oo socday muddo saacado ah ayay ciidamadu waxay guri-guri ugu baareen degmadaas oo ku taalla dhinaca koonfur galbeed ee xarunta Soomaaliya, waxaana howgalladan ay ku sheegeen kuwo lagu ammaanka guud ee caasimadda lagu sugayo.

Guddoomiyaha degmada Kaxda, C/weli Yuusuf Axmed oo warbaahinta kula hadlay degmadaas maanta ayaa sheegay in howgaladdu ay ahaayeen kuwo lagu sugayo ammaanka degmada iyo guud ahaan Muqdisho.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee hoggaaminayay howgalka ayaa iyaguna u sheegay qaar ka mid ah warbaahinta in howgalkan uu ahaa mid ka mid ah howlgallada ay ka wadaan Muqdisho, si ay uga sifeeyaan caasimadda dad ay ku sheegeen inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab oo ammaan-darro wada.

Dhallinyaradii howgalkan lagu soo qabqabtay ayaa qaarkood lagu xiray qaar ka mid ah xabsiyada Muqdisho, iyadoo saraakiishu ay sheegeen in baaritan lagu sameyn doono, ciddii aan dambi yeelanna lasii dayn doono.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidamada dowladdu ay baaritaanno sidan oo kale ah ka sameeyaan degmooyinka gobolka Banaadir, inkastoo ay weli ka dhacayaan caasimadda falal ammaan-darro oo u badan dilal qorsheysan.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: