Calendar

DKMG ah Ee Soomaaliya oo Beenisay inay Askareeyaan Caruur yaryar.

Taliyaha-ciidamada-xoogga-dalka-300x300Taliyaha ciidamada xooga dalka soomaliyeed sareeye guuto cabdiqaadir Sh Cali Diini ayaa isagoo wareysi siinayay idaacada dowlada radio muqdisho waxaa uu beeniyay in ay dowladu Askareyso caruurta da’da yar

Waxaana uu Sheegay in aysan  wax ka jirin war saxaafadu baahisay oo ay soo saartay Amnesty international  kaasi oo ahaa in dhinacyada soomalidu ay caruurta askar ahaan u adeegsadaan Tiliyaha ayaa waxaa uu xusay in dastuurka dowlada udagsan uu san Ogoleyn in la askareeyo caruurta ayaguna ay ilaalinayaan sharciga .

Haweeneyda hay’ada xuquuqda aadanaha Amnesty international uqaabilsan soomaliya ahna afhayeenka haydaasi bandict Odino ayaa wareysi ay siisay radio kulmiye waxaa ay ku sheegtay in dhinacyada hubeysan ee soomaliya sida Al shabaab Dowlada iyo Ahlu Suna Waljamaaca in ay askareeyaan caruurta yar yar.

“Warbixinta waxa ay ku Saabsan tahay Saameynta ay colaada ku leedahay caruurta ku nool Somaliya Mid ka mid ah waxyaabaha aan ka walwalsanahay ayaa waxa ay tahay isticmaalka baahsan Caruurta loo adeegsado  Askareynta labada dhinac ee hubaysan ee Alshabaab iyo Dowlada uma arko inay ku kooban tahay oo kaliya alshabaab ciidameynta caruurta yaryar”

Marka laga tago DKMG ah Soomaaliya oo iska fogeysay Eedeynta kaga timid Amnest International ayaa hadana waxa aan wax hadal ah uusan kasoo bixin Dhinacyada kale Ee Ahlu Suna iyo Alshabab.

—————————————–

[email protected]

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: