Calendar

Dood Cilmiyeed Xiisa leh oo lagu qabtay dalka Malaysia

SDC14360

Bartamaha (Kuala Lumpur, Malaysia):-Dood cilmiyeed si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay Hallka weyn ee Jaamacada islaamka caalamiga ee dalka Malaysia. Doodan ayaa waxaa soo agaasimay Golaha Horumantia Soomaaliyeed ee afka qalaad lagu yiraahdo Somali forum for Progress (SFP), Doodan oo cinwaankeedu ahaa “Challenge facing Somali youth in today’s society” oo macnaheedu ahaa, “Caqabadaha soo wajaha dhalinta soomaaliyeed ee maanta”.
Dood Cilmiyeedkan Waxaa ka soo qeyb galay Marti shafar aad ufarabadan oo isugu jira qeybaha kala duwan ee Soomaalida ku dhaqan dalka Malaysia gaar ahaan dhalanti iyo ardeyda wax ka bartaha Jaamacadaha Malaysia.

M Khadar Ismail

M Khadar Ismail

Ugu horeyn waxaa xafladda daah furay kuna soo dhaweeyay Marti shafartii meesha isugu timid Mr. M.Khadar Ismail Jimale oo ah xiriiriyaha guud ee SFP kana tirsanaa ardeydii ka qalin jabisey jaamacada Malaya ee ugu faca weyn dalka Malaysia.
Waxaa dadkii dood Cilmiyeedkan ka hadlay ka mid ahaa, Ahmed Muuse “Geel-xoor” oo ka hadlay caqabadaha dhalinta kaheysataa dhanka dhaqaalaha sida : Dhaqaalo la’aanta iyo shaqo la’aanta baahsan ee soo wajahday dhalinyaradda Soomaalida. Dhanka kale Abdi Kamal Mohamed oo ah arday PhD kadiyaariya Jaamacada International Islamic University Malaysia ayaa ka hadlay Waxbarashadda iyo Horumarka Tiknoolajiyada balse wuxuu xooga saaray sababaha keena in dhalinta ay waxbarashada wadi waayaan. Sidoo kale Yaasir Mohamed “Baaffo” ayaa ka hadley arimaha bulshada gaar ahaan doorka Waalidka uu ku leeyahay bar-baarinta dhalaanka, ugu danbeyntiina Samiira Mohamed Ahmed oo ah gabadh ku dhalatay qurabaha ayaa taabatay dhibaatooyinka heysata dhalinta ku dhalatay ama ku bar-baartay Qurbaha iyo is faham darida soomaalida gudaha ka timada.
1 Intaas kadib waxaa Makarafoonka loo wareejiyay dadweynihii Kullanka ka soo qeybgalay ayagoo mahad naq ka dib aad ugu dheeraadey dhibaatoyinka heysta dhalinta soomamaaliyeed kuna tala bixiyey in wax badan la qabto doodaha ceynkan oo kale ah si loo gaaro xal iyo guul waarta
Dood cilmiyeedkan ayaa ku dhamaaday Jawi wanaagsan marti shafartii ka soo qeyb gashey meesha isugu yimidna waxa ay amaan u soo jeediyeen Golaha Hor marinta soomaaliyeed ee dood Cilmiyeedkan soo qaban qaabisey.

Ibrahim Da’ud Abdalla “Gentleman”
Kuala Lumpur – Malaysia
[email protected]

Sawiro dheerad ah halkan ka daawo.


Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: