read more »">
Calendar

Doorka ay ka gaysatay gurmadka abaaraha hay’adda SHC ee HOLLAND iyo 171,000 oo rakaaba

abaarHay’adda ( Samenwerkende Hulporganisaties ) ee marka la soo gabiyo la yidhaahdo SHC ee Holland
ayaa qaaday talaabo qaylo dhaan ah oo baaho loogu ururinayo dadka ku lii’anaya abaaraha 
Bariga Afrika, boqolkiiba 33% ayaa taageeray qaylo dhaantan hakla boqlkiiba 61% ay ka amuseen.

Hay’addani waxa ay furtay sanduuqan bisha julay 11deedii kaas oo ah 555giro isla markiiba waxaa 
ku soo xerooday lacag dhan €; 8.8milyan oo Euro , halka baarlamanka dalka Holland ay
iyaguna u codeeyeen in ay ugu deeqaan dadka tabaalaysan gurmad dhan €; 15milyan oo 
euro oo lagu caawinayo dadka tabaalaysan ee ku nool wadammada geeska Afrika gaar ahaan ,
Ethiopia,Somalia, iyo Kenya.

Qaylo dhaantan waxaa laga yaboohay goobo badan iyadoo loo marayo warbaahimnta kala duwan
sida radio2 oo ka qaatay doorkii ugu waynaa, ka dib markii uu yaboohay qaylo dhaan uu la dhex
maray rakaab dhan 171,000 oo qof oo malintii jimce ku sugnaa Schiphol Amsterdam Airport iyaga
oo ka faa’iidaysanaya wakhtiga kulaylaha ah ee shaqaaluhu ay ku jiraan fasaxyadda , taas oo 
qof kasta oo gadanaya tigidh ama dhoofaya u bixiyo sako yar, si loogu gurmado dadka masaakiinta
ee colaada iyo abaaruhu ay wiiqeen 

Gargaar bani’aadanimo ayaa laga codsady qarammada midoobay in ay degdeg wax uga qabtaan 
macaluusha iyo gaajada ka aloogsan geeska ,gaar ahaan labada gobol ee koonfurta Somalia waana 
marki ugu horaysay ee ay dhacdo macluul nocaan oo kale ah muddo hada laga joogo 60sannadood
oo saamaysay 10milyan qof.

waxaa dhibaataysan 500,000 oo caruur ah oo ku jira dadka qaan gaadhka ah ee la tiicaya 
macaluusha iyo iyo gaajada oo u baahan in la badbaadiyo. arimaha ugu daran ee laga naxay
waxaa ka mida caruur bilaa waalidiin ah lugaynaysa .

M.Farah Aden [Ghandi]

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: