Calendar

Dowlada Talyaaniga oo deeq Caafimaad ku wareejisay Puntland (sawirro)

Bartamaha Garowe_ Dowlada Talyaaniga ayaa maanta ku wareejisay maamulka Puntland Qalab Caafimaad oo isugu jira Dawooyin, Sariiraha Isbitalada iyo qalab xaafiseed oo loogu tala galay Isbitaalka Guud ee magaalada Garoowe.

Madaxweynaha dowlada Puntland, Safiirka dowlada Talyaniga ee Somaliya iyo xubno katirsan gollaha wasiirada oo booqday Isbitaalka guud ee Garoowe ayaa ukuurgalay baahiyaha kajira Isbitaalka.

Wasiirka wasaarada Caafimadka Puntland Saadiq Enow ayaa sheegay in deeqda uga timid dowlada Talyaaniga ay waxbadan katari doonto baahiyaha kajira Isbitaalka, waxaana uu codsaday in lasii xoojiyo taagerada uu ubaahan yahay Isbitaalka guud ee Garoowe.

Safiirka cusub ee Talyaaniga usoo magacawday Somaliya Mr. Fabrizio Marcelli ayaa sheegay in dowlada Talyaaniga ay ka go,antahay sidii ay gacan uga gaysan lahayd taakulaynta goobaha caafimad ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa ku amaanay dowlada Talyaaniga taagerada ay ufulisay Puntland, waxaana uu xusay in dowlada Talyaaniga ay Puntland ka gacan siiso baahiyaha umudan in wax laga qabto.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in deeqdani kaafin karin baahiyaha jira balse looga baahan yahay dowladaha kale inay ka qaybqataan sidii ay gacan uga siin lahaayeen dhanka caafimadaka.

Dowlada Talyaaniga ayaa Puntland ka fulisay mashaariic dhowr ah oo ay kamid yihiin hirgelinta Tv-ga dowlada iyadoona kaqayb qadanaysa dhismaha garoonka diyaradaha ee magaalada Boosaaso.

DSC_3478-450x300 DSC_3491-450x300 DSC_3498-450x300 DSC_3526-450x300 DSC_3537-450x300 DSC_3610-450x300 DSC_3644-450x300 DSC_3653-450x300 DSC_3669-450x300

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: