Calendar

Dowladaha Hindiya iyo Malaysia oo iska gaashanaya la dagaalanka Burcad-Badeeda

Mudane Muxidiin iyo Mudane Manmohan Singh.

Mudane Muxidiin iyo Mudane Manmohan Singh.

Bartamaha (Kuala Lumpur, Malaysia) R/wasaare ku xigeenka wadanka Malaysia Muxyidiin Yaasin oo booqasho ku jooga dalka Hindiya ayaa sheegay in Dowladda Hindiya ay ka wada hadleen la dagaalanka Burcad badeeda xilli uu kullan la yeeshay R/wasaaraha dalka Hindiya Mr Manmohan Singh.

Dowladaha Hindiya iyo Malaysia ayaa hoosta ka xariiqay in ay si wada jir ah ula dagaali doonaan Burcad-badeeda Soomaalida ah ee ka qowleeysata badaha Caalamiga iyo badweynta Hindiya, sidoo kalle waxa ay Hindiya iyo Malaysia sheegeen in Burcad-badeeda ay helis ku yihiin Danaha ganacsi ee labada dal.

R/wasaare ku xigeenka wadanka Malaysia Muxyidiin Yaasin oo kullankii uu la yeeshay R/wasaaraha Hindiya kadib saxaafada la hadlay ayaa yiri “Mr. Manmohan Singh wuxuu aad ugu farxay in aan iska gaashano arrimaha ku aadan la dagaalanka Burcadbadeeda iyo xoojinta xiriirka labada dal”.

Dhan kalle Mudane Muxyidiin Yaasin Waxa uu intaasi ku daray i dowladda India uu kala hadlay sida laba dal ay isku dhaafsan karaan xogaha muhiimka ah ee ku adan burcad badeeda in la iska kaashado la shaqeynta hay’adaha ku shaqada leh arimha badaha.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Malaysia waxa uu qiray in aysan jirin dowlad iskeeeda u xalinka karto howlagalka burcad badeeda ay ku afduubtaan markiiibta isticmaasha biyaha Soomaaliya iyo waliba meelaha ka baxsan.

Dalalka Malaysia iyo Hindiya si kala gooni gooni ah u soo qabtay burad badeed Soomaali ah inkastoo dowladda Malaysia dhawaan la filayo in ay go’aan ka gaarto 7 burcad-badeed Soomaali ah ku xiran xabsi ku yaala caasimada Malaysia ee Kuala Lumpur. Iyadoo dhanka kalle 23 badmaax oo u dhashay dalka Hindiya ay ku jiraan gacanta Burcad-badeeda Soomaalida.

Ibraahim Da’ud Abdalle
[email protected]
Bartamaha, Selengor, Malaysia.

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: