Calendar

Dowladda Equatorial Guinea oo ku deeqday Soomaaliya 2 Million Euros

ek-lgflagMALABO (www.Bartamaha.com):-Wararka ka immanaya caasimadda MALABO, ee dalka Equatorial Guinea, ayaa waxa ay sheegayaan Madaxweynaha dalkaas Obiang Nguema Mbasogo in ku dhawaaqay in uu bixinaayo labo million oo Euros taas oo lagu gargaaraayo dadka abaaraaha ay ku heestaan Soomaaliya.

Waxa kaloo Madaxweyne Obiang ugu baaqay muwaadiinta dalkiisa in ay ka qayb galaan dadaaladda gurmadka lagu sinaayo Soomaaliya.

War baahinta Qaran dalkaas ayaa sheegtay in arruriyeen lacago ay keeneen shacabka taas oo lagu wareejin doona Bangiga ku yaala caasimadda Malabo isaga ayaana Soomaaliya u soo daabuli doona.

Madaxweyne Obiang Nguema ayaa hogaamin doona shirka Midowga Africa 25-ka bishan August ay ku yeelan doonaan magaaladda Addis Ababa ee dalka Ethiopia, kaa oo intiisa badan looga hadli doono arrimaha abaaraha geeska Africa.

Madaxweynaha dalka Equatorial Guinea ayaa ka sheegay shirkii bishii la soo dhaafay ka dhacay magaaladda Malabo in loo baahan yahay in ay isku duubnaadan oo ay midoobaan wadamadda Africa

Si kastaba dalka Equatorial Guinea ayaa horrey waxa uu gu deeqay dalka Japan ku dhawaad 500,000 oo dollar ka dib markii waxyeelo ballaran ay ka soo gaartay burburkii warshadda nukleerka ee Fukushima.

 

W/D:Xafiiska Wararka Muqdisho www.Bartamaha.com

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: