Calendar

Dowladda Maraykanka oo sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka caawin doonto dib u dhiska ciidanka qalabka sida

Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay ka qayb qaadanayso dib u dhiska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, Abaanduulaha ciidamada ay ku midaysan yihiim ururka Midowga Afrika iyo Maraykanka Jeneraal David Rodrigues iyo hoghayaha arimaha dibadda ee Maraykanka Lind Thomas Greenfield   ayaa waxay sheegeen in dowladda maraykanku ay si way uga qab qaadan doonto habaynta iyo dhismaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Masuulitiinta u hadashay dowladda Maraykanka oo shir jaraa’id ugu qabtay warbaahinta Safaaradda uu maraykanku ku leeyahay xarunta qaaradda Afrika ee Adis Ababa ayaa waxay sheegeen in dowladda maraykanku ay qorshaynayso sidii ay u taageeri lahay dib u dhiska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya waxayna tilmaameen in dowladda Soomaaliya ay xiligaan si wayn ugu baahantahay in laga caawiyo dib u dhiska ciidamada qalabka sida.

Abaanduulaha ciidamada ay ku midaysan yihiin ururka Midowga Afrika iyo dowladda Maraykanka Gen. David  Rodrigues ayaa ka dhawaajiyay in dowladda Maraykanku ay sii laba jibaari doonto taageerada Militeri iyo dhaqaale oo ay  siin jirtay dowladda Soomaaliya iyo ciidanka AMISOM.

Abaanduulaha ciidamada ay ku midaysan yihiin ururka Midowga Afrika iyo dowladda Maraykanka Gen. David  Rodrigues ayaa ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ku amaantay sida hagar la’aanta ah oo ay uga qayb qaadanayaan nabad ku soo dabaalidda dalka Soomaaliya.

Abaanduulaha oo wax laga waydiiyay dhibaatooyinka ay ururka Alshabaab ka gaysan karaan dalal ka qaar ee dhaca geeska Afrika ayaa wuxuuna sheegay inay jirto halista ururka Alshabaab wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in la tayeeyo awoodda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: