Calendar

Duqii Magaalada Gaalkacyo oo Ka Noqday Iscasilaadiisa

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji XasanGaalkacyo (RBC) Sida goor dhoweyd ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhowC/raxmaan Maxaamuud Xaaji Xasan oo ahaa duqii Gaalkacyo oo iscasilay dhawaan ayaa ka laabtay iscasilaadiisa.

C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan oo hadda ku sugan Magaalada Nairobi ayaa sheegay inuu ku soo wajahan yahay Gaalkacyo oo uu dib ugu soo laabanayo dhawaan.

Waxay ahayd 26-kii bishan markii uu duqu iska casilayt xilkii uu hayey isagoo warqad uu dhigay xafiiskiisa ku cadeeyey inuu shaqadii ka tegey sababo uu ku sheegay kuwo isaga u gaar ah, sida warwadaasi oo nuqul ka mid ah uu heley RBC Radio lagu qoray.

Waxaa C/raxmaan markaasi kadib uu u ambabaxay wadanka Kenya balse Maalmaha soo socda ayaa la rajeynayaa inuu dib ugu soo laabto Gaalkacyo.

================================

Source: Raxanreeb.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta and tagged .
« »

Comment: