Calendar

Duran oo xulka qaranka u sheegay in ay yihiin kuwo aad u nasiib badan.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ahna madaxa xiriirka caalamiga ah ee guddiga Olombikada Soomaaliyeed Duran Ahmed faarax ayaa shalay isniintii waxaa uu booqday halka ay ku tababar qaataan xulka qaranka kubada cagta dalka Soomaaliya oo ah garoon yar oo ku yaala kuliyadii culuunta siyaasada Soomaaliya. Intii uu la joogay xulka qaranka ayuu guddoomiye ku xigeenku xulka qaranka u sheegay in ay yihiin kuwo aad uga nasiib badan xualalkii qaran ee ka horeeyay marka loo eego in ay waqti adag ku shaqeynayaan taariikhdana wax badan looga sheekeyn doono dhibaatada ay marayaan.

 Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Saciid Maxamuud Nuur oo la socday guddoomiye ku xigeenka ayaa marka hore siiyay warbixin faafaahsan oo ku saabsan xaalada guud ee xulka qaranka iyo habka diyaar garwogoodu uu yahay. “Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaa uu qabtay wax awoodiisa ka badan sababtoo ah iyadoo uu xiriirku ku shaqeynayo dal dhibaatooyin fara badani ay ka jiraan ayaa hadan Soomaaliya ayan marnaba ka maqnaan cayaaraha gobalka CECAFA, kuwa qaarada Afrrica, kuwa Carabta iyo kuwa FIFA intaba halka dalal kale oo gobalka nagula yaala ay cayaaraha qaar ka maqnaaadaan”ayuu xulka qaranka u sheegay guddoomiye ku xigeenka GOS Duran Axmed faarax.

 Waxaa uu sheegay in xulka qaranku ay yihiin Safiirro dalkooda matalaya waqti adag wuxuuna ku amaanay sida ay ugu dul qaadanayaan duruufaha adag oo ay ku shaqeynayaan dalka Soomaaliya oo tan iyo 2007-dii lagu dilay tobaneeyo ka mid ahaa bahweynta kubada cagta Soomaaliya.

 Dadkaas waxaa ka mid ahaa garsoore heer caalami Cabdi Cabdullaahi Calasow, xubin guddiga fulinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubad cagta Cali Xuseen Kaariye, Qasnajigii hore ee xiriirka Cabdiraxmaan Dhuunte iyo tiro cayaartoy ah.

 Intii Duran uu la joogay xulka qaranka ayaa mudo daqiiqad ah oo aamusnaan ah lagu xasuustay shaqsiyaadkii ka geeriyooday xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta lagu dilay dalka gudihiisa. “Waan ogahay in aadan heysan wax kasta oo aad u baahneedeen taasina waxaa sabab u ah dhibaatooyinka adag ee dalka ka jira , laakin waxaan ku rajo weynahay in is badal uu imaan doono Inshal Allah”ayuu Duran u sheegay xubnaha xulka qaranka ee uu booqday shalay. “Waxaad mataleysaan qarankiina xiligan adag taasina waa sababta aan idinkugu tilmaamay in aad ka nasiib badan tihiin kuwii idinka horeeyay ee dalka oo nabad ah ku noolaa, sababtoo ah taariikhda ayay geli doontaa in dulqaad badan aad muujiseen kuna shaqeynseen dal noloshu xitaa ay dagtahay iyadoo ujeedkiinu ahaa in calankiina aad difaacdaan ”ayuu guddoomye ku xigeenka 1-aad ee GOS u sheegay xulka qaranka Soomaaliya ee lagu naaneeso Ocean stars. Wxaa uu ku booriyay in ay muujiyaan saaxiibtinimo iyo cayaar wanaag marka ay ka hor tagayaan xulka dhigooda ah ee dalka Itoobiya cayaar ka mida ah is reeb reebka koobka aduunka.

 Xulka qaranka ayaa la filayaa in loo kexeeyo magaalada Nairobi halkaas oo ugu yaraan muddo 4 todobaad ah ay tababr ku qaadan doonaan ka hor inta aanay cayaarta 1-aad la yeelan Itoobiya 11-ka bisha November.

Xiriirka Soomaaliyeed waxaa uu adeegsan doonaa Kenya oo uu ku marti gelin doonaa dalka Itoobiya maadaama amaanka oo xun iyo garoon caalami ah oo aan ka jirin dalka Soomaaliya awgood uusan xiriirka Soomaaliyeed cayaaraha caalamiga ah dalka gudihiisa ku marti gelin karin. Cayaarta 2-aad waxaa ay ka dhic doontaa Magaalada Addis Ababa 15-ka bisha November, waxaana xulka qaranka Soomaaliya ay labada cayaarba yeelanayaan iyagoo dalkooda ka fog.

Soomaaliya waxaa gurigeeda ah jabuuti oo ay cayaaraha caalamiga ah ku marti gelisaa laakin inkastoo kharashkeedu uu badan yahay ayaa hadana sababta Nairobi loo door biday waxaa ay tahay in boqolaal kun oo taageerayaal Soomaaliyeed ah halkaa laga heli karo si xulkooda ay u dhirig eliyaan.

 By Shafi’i Mohyaddin Abokar

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: