Calendar

Ganacsade Maxamuud X. Xasan oo ka Tacsiyeeyay Geeridii ku timid siyaasi caan ah oo Soomaaliya Taariikh ku lahaa

ganacsade-maxamud-xaaji-xasanGanacsade Maxamuud Xaaji Xassan Askar oo ka mid ah ganacsatada waawayn ee Soomaalida ayaa geeri naxdin leh ku tilmaamay dhimashadii Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) oo ahaa diblamaasigii ugu taariikhda dheeraa Soomaaliya soona maray xilal kala duwan oo ay kamid ahayd wasiirka arrimaha dibada ee Soomaaliya xilligii dawladii Maxamed Siyaad barre iyo sidoo kale C/laahi Maxamed Mire oo isna soo noqday wasiirkii waxbarashada ee Soomaaliya.

Waxayna labadan masuul dhinteen asbuucii lasoo dhaafay  waliba maalmo isu dhow iyadoo geeridoodana uu Maxamuud ku tilmaamay inay ahayd mid si isku mid ah ay uga wada naxeen ummada Soomaaliyeed.

“Labadan Masuul waxay ahaayeen dad qarannimada Soomaaliya kaalin muuqata kasoo qaatay, Qaybe waxaaba uu ahaa aabihii Jamhuuriyada Soomaaliya waana mid kamid ah dadkii go’aamiyay in waqooyiga iyo koonfurta Soomaaliya ay is raacaan 1960-kii” ayuu yiri isagoo muujiyay sida uu uga tiiraanyooday geerida.

“Qaranka Soomaalida dadkii wax u qabtay taariikhdu ma illoobi doonto, waxay ku dayasho u yihiin jiilalka soo socda” ayuu sii raaciyay isagoo kulan baroor diiq ah u sameeyay.

Ganacsade Maxamuud ayaa kamid ah ganacsatada Soomaalida ee mudada dheer ku noolaa waddanka Maraykanka.

Waxaana uu sheegay in Soomaalinnimadu iyo Islaamnimaduba ay ku jirto in loo mahadceliyo loona duceeyo dadka kasoo qaybgalay halgankii dheeraa ee lagu yagleelay Jamhuuriyada Soomaaliya isagoo sheegay in haatanna loo baahanyahay in lasii wado halgan dheer oo uu ku tilmaamay inuu yahay midka loo galayo dib u dhiska Soomaaliya.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured.
« »

Comment: