Calendar

Guddoomiyaha Gobalka Shabelladda Dhexe Eng. Cabdi Jiinow oo sheegay in dhawaan Ururka Al-shabaab ay ka saari doonaan gobalkaasi.

Guddoomiyaha Gobalka Shabellada Dhexe Eng. Cabdi Jiinow Calasow oo wareysi siiyay mid ka mid ahIdaacada  Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in gobalada kale ee dalka laga saaray Ururka Al-shabaab dhawaana gobalka shabeellada dhexe laga saari doono ururkaasi sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu tilmaamay in talaabada koowaad ee ay qaadi doonaan marka laga saaro Ururka Al-shabaab gobalka Shabeellada dhexe ay tahay adkaynta iyo xaqiijinta ammaanka gobalkaasi.

Waxa uu intaa ku daray dhawaan in ay rajaynayaan gobalka shabeelladda dhexe in guud ahaanba laga saaro Ururkaasi shabaab islamarkaana dib loogu soo celiyo gacanta dowladda KMG Soomaaliya iyo maamulkii gobalkaasi ka jiray.

Maalintii shalay ayey aheyd markii si rasmi ah wasaarada arrimaha gudaha ay si toos u dhameys tirtay xubnaha maamulkan iyo masuuliyiintooda hayeeshee weli waxa ay ku sugan yahiin Muqdisho islamarkaana gobalkii shabeeladda dhexe waxa ay ka yhiin kuwa dibad joog ah.

Inta badan gobalka shabeeladda dhexe ayaa waxaa ka arrimiya Ururka Al-shabaab oo dowladda KMG Soomaaliya dagaal kala soo horjeeda.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: