Calendar

Gudoomiyaha Galgaduud oo sheegay in la dayactirayo xarumaha ciidanka xoogga ee gobolka Galgaduud

 

cirfoDhuusamareeb(Bartamaha) Gudoomiyaha gobolka Galgaduud Xuseen Wehliyo Cirfo ayaa sheegay in dhaqso dib loogu dayactirayo xarumihii ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee gobolka Galgaduud oo xiligan burbursan xoogan laga dareemayo.

 

Gudoomiyaha Xuseen Wehliyo C irfo ayaa shaaca ka qaaday in wasiirka Gaashaanhdigga Soomaaliya oo maalmihii u danbeeyey halkaa ku sugnaa uu u ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay dib u dhis ku samaynayso xarumihii ciidanka ee gobolka Galgaduud.

 

Xuseen Wehliye ayaa tilmaamay in markii ay shalay kormeereen xurmo dhowr ah oo ay leeyihiin ciidanka xoogga dalka ay kusoo arkeen burbur lixaad leh,wuxuuna tilmaamay iney ugu horeyso meelaha dib loo dhisayo xeradii 21-aad ee ciidanka xoogga dalka oo ahayd Saldhigga Milatri ee ugu weyn gobolada dhexe ee dalka.

 

Gudoomiyaha ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ciidanka ku sugan gobolka Galgaduud ay yihiin kuwo u abaabulan qaab beeleed,wuxuuna sheegay in ciidanku ay hoos tagaan wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

 

Gudoomiyaha gobolka Galgaduud ayaa shaaca ka qaaday in wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya uu ballan qaaday in marka uu Muqdisho dib ugu laabto uu si deg deg ah ugu istaagi doono dib u dhiska xarumaha ciidanka qalabka sida ee gobolka Galgaduud.

 

 

Bartamaha

Comments

comments

About Caadil

Caadil is a Mogadishu based reporter and columnist with a focus on coverage of Somali politics and media. An outspoken proponent of accountability journalism.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment:

cccc