Calendar

Hayádda HIRDA oo cuna qeybin ka sameysay xeryaha qaxootiga Gobolka Gedo.

DSC00058Dhinaca kale barakacayaasha ay HIRDA kula kulantay gobolka Gedo ayaa dhankooda ka hadlay dhibka haysta iyo meelaha ay ka  kala yimaadeen,waxaana si naxariise ku jirto baaq ugu jeediyeen somalida Qurbaha iyo Beesha Caalamka.

DSC00078Hooyo ka mid aheyd qaxootiga ku jira xerada qaxootiga Doolow ayaa warbaahinta uga sheekeysay dhibka ay kala kulantay abaartan ka jirta Somaliya,waxaana sheekadeeda oo naxdin ay u bilowday ” Waxaan ka imid xudur,waxana isoo safriyey waa abaarta ka jirta halkaasi,intii aan ku soo jiray jidka dheer ee u dhexeeya Xudur ilaa xeradan Doolow waxaan jidka iyaga oo nafi ku jirto uga soo tagay 5 carur ah oo aan dhalay,sida aad u jeedan carurtayda waxaan ka wataa ilmaha dusheyda saaran oo isaga xitaa macluul heysa darteed aan socon karin” ayey tiri hooyadaasi Somaliyeed ee ku jirta xerada barakacayaasha ee Doolow.

DSC00274Hayįdda HIRDA ayaa ah hayįddii ugu horeysay oo somali ah oo tagtay xeryahaasi qaxootiga,waxaana sidoo kale ay raashinka ay si wada jir ah ugu qeybiyeen sadexda xero qaxooti ee ku kala yaal Baled-Xaawo,Doolow iyo tuulada Dayax oo hada xarun ah barakacayaashaasi.

Dadka aan halkaasi ku aragnay Waxa ay sida degdeg ah ugu baahan yihiin  ayaa ah,raashin,biyo iyo hoy ay ka galaan qoraxda kulul ee halkasi ka jirta.

FADUMODDDDDDDDDDDDDDDDGobolka Gedo waxaa badi gacanta ku haya Dowlada ku meel gaarka ah ee Somaliya,sidaasi oo ay tahayna ma jiraan ilaa iyo hada wax dhinaca Dowlada ay kasoo gaarsiisay gobolkaasi deeqaha caalamka ay  ugu talagaleen abaaraha Somaliya saameeyey.

Warbixintan iyaddoo muuqal ah halkan hoose ka DAAWO.

http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=-ITe30kxZwc


Xamdi Maxamed Kadiye

Nairobi,Kenya

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: