Calendar

Hayádda HIRDA oo gargaar ka qeybisay Xeradda barakacayaasha ee Magaalada Xudur (Warbixin iyo Sawiro)

3

1

8

Xerada barakacayaasha magaalada Xudur oo ka mid ah meelaha  ay ku jiraan Somalida ay saameysay abaarta xoogan ee ka jirta geyiga Somaliya ayaa waxaa iminka la gaarsiiyey gacanta gargaarka ee Hayádda HIRDA, waxaana halkaasi raashin loogu qeybiyey dad dhan 540 Qof oo isugu jira  waayeel   iyo dhalaanka soo koraya, kaalmadaas oo ay HIRDA ka heshay labada urur ee ka dhisan Waddanka France lana yiraahdo Assocation Lespoir Somalier  iyo Association Somalien De Midi-Pyrenees.

Seynab Maxamed Shiikh Abdilaahi oo ah masúulka u qaabilsan Hayádda Hudurow Community Development Organization ayaa ka guddoontay deeqda ay HIRDA soo dirtay looguna talagalay dadkaasi dhibaateysan ayaa saaka mar ay iigu warameysay dhinaca telefoonka waxay ii sheegtay inay dadweynaha si weyn usoo dhaweeyeen mucaawinada ay ka heleen HIRDA iyo walaalaha kale ee jooga Wadanka France oo garabsiiyey barakacayaashan.

5

Waxaana dhinaca kale ay sheegtay Seynab Maxamed inay dadka ay wax u qeybiyeen aysan ahayn kuwa jooga Xudur oo kaliya, balse ay jiraan  barakacayaal soo gaari waayey xudur oo loogu tagay meelaha ay joogaan, sida miyiga iyo tuulooyinka ku xeeran Magaalada. Waxaana iyada oo ka hadleysa ay tiri :

2

“ Dadka aan u qeybinay gargaarka  waxay  dhan yihiin 540 qof,waxaana ay kala joogaan gudaha Xudur iyo banaanka Xudur, iyaddoo xitaa ay ku kala duwan yihiin qaabka aan gargaarka u gaarsiino,kuwa jooga gudaha xudur waxaan siinay raashin  bisil oo ay markiiba cuni karaan ama u qaataan guryahooda, halka kuwa  jooga  miyiga iyo tuulooyinka Xudur u dhaw aan qeybino raashinka oo ceyriin ah” ayey tiri Seynab Maxamed .

Mucaawinadan  loo qaybinayey barakacayaasha Xudur ayey bilaabatay bilowgii bisha Ramadaan ee iminka dhamaatay, iyadoo ilaa markaasi ay  ku mashquulsanaayeen dadka ay ku jirto Seynab iyo howl-wadeenada kale  ee la wada howshan sidii gargaarka  loo gaarsin lahaa Somalidaasi.

7

Barakacayaasha oo iyagana ka hadlayey gargaarka loo fidiyey ayaa Hayádda HIRDA iyo laba urur  oo  la kala yiraahdo Assocation Lespoir Somalier  iyo Association Somalien De Midi-Pyrenees uga mahadceliyay deeqdaas , waxaana ay sheegeen inay  gargaarkaasi uu u taray wax badan.

Dhinaca kale Seynab  Maxamed waxay ugu baaqday Hayádaha Caalamka iyo Somalida qurbaha jooga inay gacan ka geystaan caawinta walaalaha abaaraha ay saameeyaan,iyado si gaar ah Hayádda HIRDA uga dalbatay inay sii wadaan dadaalada ay ku caawinayaan walaalaha ku dhiman gudaha Somaliya ee iminka gargaarka ay u fidiyeen.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Hay’adda HIRDA  u fidiso gargaar raashin qaybin ah Somalida  barakacayaasha ah eek u jira xeryaha ka jira gudaha Somaliya, waxaana dhawaan sidan oo kale ay raashin uga qaybiyeen Xeryaha qaxootiga ee ku yaala Gobolka Gedo gaar ahaan magaalooyinka Baled-xaawo, Doolow iyo Tuuladda Dayax.

6

Halkan ka daawo FILM muujinaya qaabka loo qeybiyey gargaarkaasi.

http://www.youtube.com/watch?v=WlOsaz3xvmI

Mubaarak Maxamed Abdi
Muqdisho,Somaliya

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: