Calendar

Hayádda HIRDA oo Talaal iyo qeybinta Maro-kaneeco ka bilowday Xerada qaxootiga ee Doolow Ado.

talaal ilmo

Hayádda HIRDA oo ka howl-gasha badi dalka somaliya ayaa waxaa ay xerada qaxootiga ee magaalada Doolow Ado ee gobolka Gedo ka bilowday talaal lagu sameynayo carurta qaxootiga ah ee ku jira xeradaasi,kuwaasi oo la sheegay inay da’doodu ay u dhaxeyso 6 bilood ilaa 15 sano iyo hooyooyinka dhalay carurtaasi.

Xasan  Abdi Keynan oo ah Agaasimaha Hayádda HIRDA ee gobolka Gedo  ayaa sheegay inay dhamaan carurta  iyo hooyooyinka ku jirta xeradaasi ay ku sameeyeen talaal,waxaana uu sheegay inay arintan ay tahay markii ugu horeysay oo laga sameeyo xerada qaxootiga ee Doolow,waxaana uu dhinaca kale uu sheegay Xasan Abdi inay dadka soo qaxay u qeybiyeen Maro-kaneecooyinka,si buu yiri ay uga gaashanataan kaneecada iyo cudurada ka dhalan kara.

hooyo la talaalayo

ilmo la talaaya HIRDA

talalka hirda gedo

hirda marokaneeco

Agaasimaha Hayádda HIRDA ee Gedo Xasan Abdi Keynan ayaa ku sheegay tirada dadka ay u qeybiyeen maro kaneecada inay dhan yihiin 500 Qoys oo ah dhamaan dadka kasoo barakacay abaaraha saameyey somaliya koonfurteeda,isagoona intaasi ku daray inay  Maro-kaneecadan ka heleen Hayádda UNICEF  isla markaana ay ugu deeqday 1000 xabo oo ah maro-kaneecooyinkaasi ay maanta ku qeybiyeen degmada Doolow.

Dadka qaxootiga ah ee ku jira xeryaha qaxootiga Gobolka Gedo ayaa badi waxaysan helin gargaarka dowlada somaliya ay ka hesho beesha caalamka,waxaana sidoo kale yar inay soo gaaraan taageerada somalida ay iska aruuriyaan,marka laga reebo raashin qeybinta,talaalka iyo howlaha kale oo ay ka wado Hayádda HIRDA.

marokaceno 2

qeybin marokaneeco hirda

Laba todobaad un ka hor ayey aheyd markii ay Hayádda HIRDA raashin qeybin ka sameysay xeryaha qaxootiga ee ka jira Baled-xaawo,Doolow iyo tuullada Dayax,waxaana dhawaan sida ay sheegeen madaxda sar sare ee HIRDA ay qorsheynayaan inay raashin hor leh iyo u sameynta dhismayaal ay ka mid yihiin Musqulo ka hirgelin doonaan xeryaha qaxootiga ee gobolkaasi ka jira.

Ugu danbeyntii Xasan Abdi Keynaan agaasimaha HIRDA ee Gedo ayaa ugu baaqay caalamka iyo dhamaan taageerayaasha dadka dhibateysan inay il-gaar ah ku sii fiiriyaan qaxootiga ku jira xeryaha gobolka Gedo. Isagoona sheegay inay ka HIRDA ahaan geed dheer iyo mid gaaban u fuulayaan sidii ay dadkaasi u caawin lahaayeen.

marokaneeeco hirda

Mubarak Maxamed Abdi
Muqdisho,Somaliya

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: