read more »">
Calendar

Hibo Nuura oo xalay xaflad sagootis ah loogu sameeyay madaxtooyada Soomaaliya

Marwooyinka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada Xaflad sagootin ugu sameeyay Fanaanada Hibo Maxamed Hudoon (Hiba Nuura) oo mudooyinkii u dambeeyay ku sugneyd magaalada Muqdisho, kadib markii ay dalka dib ugu soo laabatay labaatan sano kadib.

Xaflada sagootinta ayaa waxaa ka qeyb gashay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirada Arrimaha Dibada Fowziyo Yuusuf Aadan, Marwada Gudoomiyaha Baarlamaanka Xaawo Ibraahim, Gudoomiyaha Bankiga Dhexe Marwo Yusur Abrar, Haweenka Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Ururada Haweenka.

Hobolada Waabari ayaa ayaa Xaflada ku soo bandhigay heeso ay ku soo dhoweynayen Fanaanada Hiba Nuura, iyadoo halkaas ay heeso qiiro badan ka qaaday Hiba Nuura, taasoo kicisay dareenka marti sharaftii ka soo qeyb gashay Xaflada

Marwada Madaxweynaha Soomaaliya Qamar Cumar Cali iyo Marwada Ra’iisul Wasaaraha Caasho Xaaji Cilmi ayaa intii ay socotay Xaflada lagu amaanay.

Sidoo kale Inta ay Munaasabada socotay ayaa Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ahna Guddoomiyaha guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweynka iyo Carruurta Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Golaha Shacabka uu diyaariyay Shahaaddo Sharaf loo gartay in la guddoonsiiyo Fanaannada Hiba Nuura.

Dhanka kale Hubo Nuura ayaa Heeso aad u qiiro badan kusoo bandhigtay halkaasi taaso wax badan ka badeshay dareynka mas’uuliyiintii iyo dhamaan dadkii ka qeybgalay munaasibaddii xalay.

Munaasabadan ayaa aheyd midii ugu ballaarneyd ee ay si wada jir ah u soo agaasimaan Marwooyinka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo xafladan ay gaartay ilaa xalay habeen barkii.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: