Calendar

HIRDA oo iskuul Waxbarasho oo ku yaala Magaallada Laascaanood ka hirgelisay biyo gelin (SAWIRRO)

haanta iyo muuqaalka Schoolka

Ururka HIRDA ayaa gudaha Magaalada Laascaanood  waxaa uu ku soo gabagabeeyey Howl Mashruuc balaaran oo dhismayayaal cusub loogu kordhinayey mid ka mid ah iskuul ku yaala Magaalada Laascaanood, Iskuulkaasi  oo lagu Magacaabo Saamalay Primary and Secondary School oo ay hadda wax ka bartaan arday badan  oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho.

 

Abdisalam  Maxamed Xuseen  oo ah guddoomiyaha gudiga  Iskuulka  Saamalay  Primary and Secondary School oo la hadlayey Warbaahinta ayaa waxaa uu faahfaahin uu ka bixyey Howlaha mashaariicda ah ee Ururka HIRDA uu ka fuliyey dhismaha Dugsigaasi oo uu sheegay in ay ka mid yihiin musqulo oo loogu talagaley in ay isticmaalaan Ardayda iyo Macalamiinta, Haan-weyn   oo ardaydu ay ka cabaan biyo nadiif ah,iyadoo dhamaan musqulaha la wada geliyey tuubooyin biyaha laga shubto.

 barkada hirda schoolka

Abdisalam ayaa waxaa uu intaasi ku daray Mashruucani dhismaha oo ah kii ugu balaarnaa ee Iskuulkan laga hergeliyo  ayuu sheegay in ay ahmiyad gaar ah u leeyihiin dardargelinta howlaha waxbarashada ee ka soconaya deegaanka ,isagoo dhinaca kalana ku amaanay Ururka HIRDA mashaariicdii dhismaha ahaa ee ay ka fuliyeen iskuulkaasi iyo kuwa kale oo jira guud ahaan Dalka Somaliya. Waxaana uu yiri :

 

“Barnaamijkan waxa uu faaíido u leeyahay bulshada oo dhan, waxaana laga faaíidayaa helidda biyo nadiif ah taasoo kor u qaadaysa caafimaadka ardayda iyo dadka u dhaw dhaw Iskuulka,Waxaana leeyahay Hayádda HIRDA waad ku mahadsan tihiin garabka aad ina siiseen.”  Ayuu  yiri Abdisalam Maxamed Xuseen

 

Dhinaca kale Waxaa Haan-weyn oo u gaar ah loo sameeyey Xaafadda Saamalay,taasi oo loogu talagalay inay dadweynaha ka dhaansadaan biyaha ay u baahan yihiin,waxaana mashruucan uu ka dhigan yahay mid ay dadweynaha magaaladda ka faaídeystaan.

 Haanta Laascaanood
carurta magaallada oo biyaha dhaansanaya

Iskuulkan mashruuca laga fuliyey iyo Ceelka Saamalaay ayaa waxaa la dhisay sanadkii 2006,waxaana  ay qeyb weyn ka qaateen sara u kaca nolosha bulshada Magaallada Laascaanood iyo Biyaha la cabo ee deegaankaasi.

 

Abdisalaan ayaa sheegay in hada taageerada iyo hamsami u socodka iskuulka ay ka helaan waalidiinta dhalay carruurta dhigata iskuulka, waxaana uu dhica kale sheegay inay rajeynayaan wada shaqeyn xoogan iyo garab ay ka helaan Hayádda HIRDA oo xarunteedu tahay Wadanka Holland.

 Muuqalka Guud ee Schoolka HIRDA wax ka qabatay ee Laascaanood
Musqulaha biyaha la geliyey

 

Iskuulkan  oo soo maray marxalado kale gedisan ayuu sheegay in hadda taageerada uu ku socdaa in ay tahay mid ka timaada gudiyada waalidiinta ee Ardeyda,taasoona wada dabooli karin ayuu yiri Baahiyaha gaarka ah ee iskuulka  sida Dhismayaasha,Dayactirka Qalabka iskuulada  iyo Dhirigelinta Macalamiinta,waxaana uu ka Codsadey Ururka Samafalka HIRDA in ay sii laban laabaan kaalmada ay u fidinayaan Dugsiyada Waxbarashada ee ka dhisan Dalka Soomaaliya.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Ururka HIRDA uu taageero noocani oo kale ah uu u fidiyo iskuuladda  waxbarasho oo ku yaala Dalka Soomaaliya,Ururka HIRDA ayaa mudo ka badan ilaa iyo 13 sano waxaa uu ku howlanaa howlo la xariira dhinaca Waxbarashada iyo arimaha Samafalka ee Soomaaliya.Waxaana xaruntiisa ay tahay Magaallada Amsterdam ee Wadanka Holland.

tuubooyinka biyaha oo dhulka la dhexmarinayo

barkada loo dhisay schoolka

 

Mubarak Maxamed Abdi
Muqdisho,Somaliya

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: