Calendar

Hogaamiyaha Al-Qaeda oo ku baaqay in la taagero Shabaab

Hogaamiyaha ururka Al-Qaeda Ayman al-Zawahiri ayaa ku dhiira galiyey dhamaan muslimiinta iney taageeraan kooxaha xagjiriinta ee Al Shabaab oo ka dagaalama Soomaaliya, sidaas waxa kusoo waramay shabakadda SIE.

Ayman Zawahiri waxa uu sheegay in wadan Islaam ah lasoo faragaliyey isla markaane aydadka muslimiinta xaq loogu leehyahay sida hadalka u dhigay iney dagaal jihaad ah ka galaan Soomaaliya.

“Ha ka walwalina dadka soo galay Soomaaliya iyo qalabka ay haystaan, dagaalkaan waxa aad garab uga helaysaan Allah” ayuu yiri Zawahiri. “Marka dhadhansiiya dhadhanka xabadda Jihaad-ka iyo kuleelkeeda. Dagaal ku dhufo oo ku dhaqaaq sameyaa, shahadadane ku raadsada”

Shabadda SIE ayaa sheegtey iney jiraan fariimo dhowr ah oo AL Shabaab so galiyeen barta internetka taas oo ku baaqayaan in weeraro laga sameyo Muqdisho.

Kooxda AL Shabaab ayaa mudooyinkii ugu danbeyay waxa laga qabsanayay goobo kala duwan oo ku awood badnaayeen iyadoona ugu danbeysay magalada Kismaayo oo ay ku xoog badnayeen, dhaqaalo badane uu kazoo gali jirey.

Dagalada ku dhufo oo ka dhaqaaq iyo qaraxyada ayaa haatan shabaab ka sameyaan meelaha ay joogaan ciidamada Huwanta. Sido kalane dhawaan kooxo looga shakisan yahay Shabaab iney ahayeen ayaa weerar is qarxin ah ku qaaday maqayadda Village ee Muqdisho halkaas oo qof ku dileen.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: