Calendar

Hogaamiyayaasha dawlada oo qado sharaf u sameeyay xildhibaanada baarlamaanka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta munaasabad qado sharaf ah u sameeyey xildhibaanada Baarlamaanka. Waxaana ka soo qeybgalay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka, xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo xubnaha baarlamaanka.

Xafladan qado sharafta ayaa waxaa ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyntii hambalyada ciida u gudbiyey xildhibaanada sharafta leh, kana codsaday inay sii labo jibaaraan howlaha qaranka ay u hayaan. Isla markaana sheegey in sanadkii hore wax badan qabsoomeen, inta hartayna la doonayo in sanadkan xoogga la saaro.

Madaxweynaha ayaa yiri “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay waxqabadka baarlamaanka sanadkii la soo dhaafay, oo ay muuqatay mas’uuliyad, isku duubni, wada shaqeyn iyo baarlamaanka oo meel mariyey sharuuc fara badan. Hase yeeshee, waxaa lama huraan ah inaan sii labo jibaarno dadaalkaas oo labada sano ee soo socda ay muhiim yihiin in la sii dhameystiro howlaha baaxadda leh ee na wada sugaya. Far isku fiiqiddu aad bey u yareyd sanadkan, waxaana nalaga rabaa samir, dulqaad iyo inaan waxii macquul ah oo horumarka nagu sii hagaya aan si wadajir ah u wada sameyno.”

Madaxweynaha oo ka hadlayey horumarka dowladda ayaa yiri “ horumar ballaaran baan ka sameyney arrimaha dibedda, dhanka maaliyadda iyo amniga, wallow dadaal fara badan nalaga rabo oo dhanka amniga ah, bacdamaa amniga uu yahay tiirka iyo aasaaska horumarka. Dhammaan horumarka xiriirka caalamiga ah waxey naga rabaan inaan sii joogteyno oo kalsoonida ugu fiican ee aan caalamka siin karno waa innagoo dalka amnigiisa hanana oo aan nabad ka dhigno dhammaan dalka oo dhan.”

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: