Calendar

Howlgalo Ammaanka Afgooye wax looga Qabanayo oo ay maanta halkaasi ka fuliyeen ciidamada Kooxda Xizbul Islaam.

xizbuBartamaha(Muqdisho):-howlgalkan oo dhacay duhurnimadii maanta ayaa gudaha xaafada Xaawa Taako Ee Degmada Afgooye waxaa ka fuliyay ciidama ka tirsan kooxda Xizbul islaam kuwaasi oo baadi goob ku hayay rag dhibaata xagga ammaanka ah ka waday Deegaankaasi.

 

Askarta Kooxda  Xizbul Islaam ayaa waxa ay howlgalkoodii ku soo qabteen ilaa 4dhalinyara ah kuwaasi oo lugu tuhunsanaa dhibaata xagga ammaanka ah oo maalmahanba ka taagnaa deegaankaasi Xaawa Taako.

 

Gudaha xaafadaasi Xaawa Taako ayaa la tilmaamayaa in xiliyada maalintii ah ay dhac ka gaysanayeen rag ku hubaysan Mindiyo kuwaasi oo weerara dadka ay u arkaan in ay wax ka qaadan karaan.

 

Ciidamada Ammaanka Kooxdan Xizbul Islaamka Afgooye  ayaa maalmahanba waxa ay wadeen qorshayaal wax looga qabanayo cabasho xagga ammaanka ah oo ay jediyeen dadka ku dhaqan degaanada ay maamulaan ee gobolkaasi Shabelada Hoose.

 

Raggii maanta ammaan darada awgeed loo qabtay ayaa waxaa loo taxaabay xabsiga degmada Afgooye halkaasi oo aan bilahanba lagu xerin dad denbiyo ka galay degmadaasi iyo deegaanada ay maamulaan kooxda Xizbul Islaam.

 

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,

Muqdisho-Somalia

 

 

 

 

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: