Calendar

In ka badan 3,000 oo AMISOM ayaa lagu diley Soomaaliya tan iyo 2007: QM

Tiro gaaraysa 3,000 oo ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ayaa lagu diley Soomaaliya iyagoo isku dagayaya iney soo afjaraan kooxaha mayal-ka adag ee dagaaladda ku jira, iskuna dayaya iney dib usoo celiyaan xasiloonida, sidaasna waxa sheegay sarkaal sare oo Qaramada midoobe ka tirsan.

“Waxa aan doonayaa inaan uga tacsiyeeyo wadamada ku deeqay ciidamadooda, kuwaas oo bixiyay wax qaali oo noloshooda ah” ayuu yiri ku-xigeenka xog-hayaha guud ee Qaramada midoobe Jan eliasson oo wariyaasha la hadlayay.

“Waxa ay idin ku noqon doontaa naxdin, marka aad ogaataan in, in ka badan 3,000 oo AMISOM, askarteeda la diley sanadihii ay ku jireen howsha AMISOM halkaas u joogto” ayuu raaciyey/

17,700, ciidamo ka socda midowga Afrika ayaa la keenay Soomaaliya tan iyo 2007, kuwaas oo ka kala socday Burundi, Uganda, Kenya, Sierra Leone iyo Jabuuti.

“Uganda iyo Burundi waxa ay bixiyeen wax qaali ah” ayuu raaciyey. “Dabcan, sidoo kale Kenya ciidamo badan ayay uga jira howl-galka AMISOM”.

Isku bar-bar dhig, 3,096 ciidamo nabad ilaalin ka socda Qaramada Midoobe ayaa geeriyooday tan iyo 1948, sida laga soo xiganayo barta internet-ka ee waaxda nabad howl-galadda nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobe/

Soomaaliya waxa ay hada kasoo baxaysa dagaalo socokeeyo oo ka jiray 20-kii sano ee laso dhaafey, dowladeedna waxa ay la daala-dhacaysaa sidi ay dalka u dhisi laheed, halkaas oo kala qeybisay qabyaaladdaiyo iyadoo dowladnimada iyo hay’adaheedaba aysen dhisneen.

Eliasson waxa uu ka dhinac sheegay shirka deeqaha ee London ka dhacay horaantii todobaadkan, in Soomaaliya loo sameeyo deeqo si ay dib iskugu soo dhisto iyadoo ay qaramada midoobe ay siinayso taagero xoogan maamulka cuusb ee dalka uu yeeshay.

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: