Calendar

Jaamacada Banaadir oo ka mid noqotay Jaamacado ku Midoobay Mashruuc cusub oo loogu magac daaray RUN

Jaamacada Banaadir ayaa ka mid noqotay 20 jaamacadood oo ku midoobay mashruuc caalami ah oo ku saabsan sidii dowladaha Afrika ee dagaallada iyo dhibaatooyinku la dageen ay dib ugu soo kaban lahaayeen iyagoo isku tashanaya waxaana loogu magac daray mashruucan cusub Resilient Africa Network (RUN).

Guddoomiyaha jaamacada Banaadir, Dr. Cabdirisaaq Axmed Dalmar oo ka hadlay kulan arrintan ku saabsanaa oo ka dhacay xarunta Jaaamacaddu ay ku leedahay KM-5 ayaa sheegay in mashruucan uu yahay mid faa’iido badan u leh dalalka Afrika ee dhibaatooyinku la hareen sida Soomaaliya.

Dr. Dalmar ayaa xusay 20-kii sano ee u dambeysay in Afrika deeqo kala duwan ka helayeen caaalmka, gaar ahaan dalalka ay ka dhacaan dagaallada, abaaraha iyo masiibooyinka kale, taasoo muujinaysa buu yiri in Qaaraddu ay u baahan tahay inay isku tashato iyadoo ka faa’iideysanaysa kheyraadkeeda si looga maarmo deeqaha dibadda looga keeno.

Dr. Dalmar ayaa sheegay in mashruuca RAN uu u qaybsamo, dhowr qaybood oo ay ku jirto daraaasad lagu sameynayo mushkiladaha taagan, isagoo xusay in jaamacada Banaadir ay qaadatay koox la yiraahdo (Internal Expressed Persons) oo ah dadka dhulkooda ku dhex lumay oo meeshay degenaayeen sii joogi waayay.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: