Calendar

Kenya doonaysa in la joojiyo maxkamada loo haysto madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka

Todobaad kadib markii ay ku guulaysatay inay taageero buuxda ka hesho wadamada xubnaha ka ah midowga Afrika oo meel mariyay qaraar diidaya in maxkamad la geeyo madaxweyne Afrikaan ah inta uu xilka hayo ayaa dawlada Kenya ay dadaal ugu jirtaa sidii go’aankaas ay uga dhaadhicin lahayd wadamada 5-ta ah ee golaha ammaanka ee qaramada midoobay ku leh codka fiitada.

Wasiiradda arrimaha dibadda ee Kenya Aamina Maxamed Jibriil ayaa kulan kula qaadanaysa magaalada Prague ee xarunta waddanka Czech Republic todobaadkaan gudihiisaa diblamaasiyiin ka socota wadamada Maraykanka, Russia, China, Britain iyo France, kuwaasoo dhammaantood leh codka fiitada si ay ugu qanciso in dib loo dhigo maxkamada ku socota madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto.

Dawlada Kenya ayaa horay ugu gudbisay qaramada midoobay go’aankii ay ku gaareen magaalada Addisababa hogaamiyayaasha qaarada Afrika oo diiday in la maxkamadeeyo hogaamiye  Afrikaan ah inta uu kursiga ku fadhiyo, iyadoo qaar kamid ah madaxda Afrikaankuna ay maxkamada ICC ku tilmaameen in tahay mid cunsuriyad iyo eexasho lagu saleeyay.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in dawlad Kenya ay mucaaradad xoog leh kala kulmayso xoghayaha guud ee qaramada midoobay Ban Ki Moon oo ka biyo diiday go’aankii hogaamiyayaasha Afrika dalbadayna in wadamada xubnaha ka ah heshiiskii Rome ay sii wadaan la shaqaynta maxkamada ICC.

Madaxweynaha dalka Faransiiska Francois Hollande ayaa isna mawqif adag qaatay isagoo qoraal uu soo saaray ku sheegay in dhibaatooyinka ka taagan wadamada Afrikaanka ah lagu xalliyo oo kaliya shuruucda u dagsan maxakamada caalamiga ah ee dambiyada dagaalka (ICC).

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured.
« »

Comment: