Calendar

KENYA oo codsatay in laga caawiyo dagaalka ay kula jirto Argagixisada

al-shabaab baraweMadaxwaynaha Dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka codsadey in Beesha Caalamka inay ka caawiso wadankiisa dagaalka ay kula jirto Argagixisada.

“Aduunku wuxuu ubaahanyahay inuu wax dhab ah uu u keeno Qatarta Argagixisada Gobolka oo idil ,qatarta Argagixisadu ma’ahan Kenya oo kaliya waa mid caalamka oo idil ah kusoo wajahan,Amaanka iyo xasiloonida waa muhiimada caalamka  “ sidaa waxaa hadalkiisa daba dhigay Madaxweyne Kenyatta.

Tuusaale ayuu soo qaatay dhibaatada Argagixisada Madaxweyne Kenyatta oo waxa uu yiri Mareykanku markii ay ku dhacday musiibadii Argagixiso ee sanadkii 2001 xiligii laqarxiyay daarihii dhaadheeraa,caalamka oo idil mareykanka waa ay usara kaceen oo waa ay caawiyeen taasina waa mida Kenya ay haatan ubaahantahay.

Mar laweediiyay Madaxweyne kenyatta in Kenya dhibaatada Argagixisada ay kali ku tahay  ayuu Uhurru sheegay in ciidamada Kenya ay lamid yihiin kuwa AMISOM balse waxa uu yiri” waxaan jeclaan lahayn inaan aragno aduunka oo u taagan caawinaada Kenya”.

Madaxweynaha Kenya  Uhurru Kenyatta ayaa ku sugan Magaalada Washighton ee dalka Mareykanka isagoo ka qeybgalaya Shirka Africa-mareykanka.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: