Calendar

Kenya oo tilaabo ka qaadaysa ciidamadeeda

Wasiirka Difaaca wadanka Kenya oo ka hadlayay dhibaatadii shalayto ka dhacday magalada Gaarisa ee ciidamada Geysteen ayaa sheegay in wasaaradiisa ay diyaarinayso waxa ay noqonyso tilaabada laga qaadi karo.

Isagoo saxafada ka hadlayay Maxamed Xaaji waxa uu sheegay inuu u tacsiyeynayo dadkii ay dhibaatada gaartey.

“Waan u tacsiyeynayaa dadkii dhibaatada la gaarsiyey, waxa dhahaa idinka ayaa idin kamid ahay, waxa idin gaarayna way igaartey, wax fudud ma aha, meel fog aya looga soo laabanaynaa” Ayuu yiri wasiirka difaaca.

Maxamed Xaaji ayaa laga soo doorta deegaanada waqooyi-bari Kenya, waxana uu sheegay iney shir deg deg ah ay yeesheen saraakiisha sarsare ee wasaarada Gaashaandhiga Kenya.

Waxa uu wasirka afka ku adkeeyay iney masuuliyada dhibatada ka dhacday Gaarisa ay qaadan doonaan saraakiisha ciidamada ee joogay Gaarisa uu sheegay in askarta ay ku fasaxeen magalada iyadoo aysen la socodsiin xarunta wasaarada.

Dhibaatada ka dhacday Gaarisa ayaa la sheegayaa iney aheed mid xoogan oo la gubey suuqa wayn iyo warshad, isla markaane dad badan la jir diley oo kamid ahayeen dad ku jirey masaajid.

Waxa ay ka danbeysay markii 3-dex askari oo military-ga Kenya lagu diley Gaarisa kuwaas oo kamid ahaa howl-galka AMISOM ee Soomaaliya.

Todobaadkii horane waxa lagu diley dhex bartanka magalada -dex askari oo kamid ahaa kuwa nabad sugida iyadoona ilaa hada la sheegi Karin cidda sida rasmiga uga danbeyso weeradan ka dhacaya wadanka Kenya.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: