read more »">
Calendar

Khatar dhinaca radiation-ka oo ka jirta Japan

radiationXukuumadda dalka Japan ayaa sheegtay in dhibaatada radiation-ka ee saldhigga nuclear-ka korontada laga dhaliyo ee Jimcihii ku dhaawacmay dhulgariirka iyoTsunami ay sii xumaanayso, oo hadda heerka uu gaaray uu aad u sareeyo waxyeeli karona caafimaadka bini’aadamka.

Qatarta cusub ayaa waxaa sababay qarax kale oo ka dhacay mid ka mid ah dab-dhaliyayaasha warshadda korontada, kadib markii uu dab ka kacay.

Raiisul wasaare Naoto Kan ayaa sheegay in cid walba oo ilaa labaatan kiilomitir u jirta saldhigga ay tahay in si deg deg ah meesha uu uga baxo.

Kuwa ilaa sodon kiilomitir u jira ayaa loo sheegay in aysan guryahooda ka soo bixin.

Dad badan ayaa hadaba sii baxay, iyadoo qaar kamid ah shaqaalaha saldhigga laga daadgureeyay goobta.

Qaraxa cusub ayaa daba socday mid dhacay maalintii Isniinta.

Saamiyada suuqa Tokyo ayaa hoos u dhacay maalintii labaad oo xiriir ah.

Saaka arootii ayaa saamiyada suuqa Nikkei uu hoos u dhacay ilaa shan boqolkiiba kadib Isniintii oo hoos u dhac wayn uu ku yimid.

Bank-ga Japan ayaa sheegay in ilaa lixdan iyo kow billion oo doolar oo kale uu si deg deg ah u galinayo suuqyada.

Xukuumadda Japan ayaa sheegay in hadda la og yahay si rasmi ah in laba kun iyo afar boqol oo qof ay dhinteen, kumanaan kalena la la’yahay.

___

Xigasho: BBC Somali

Comments

comments

Category : Wararka Maanta and tagged , , , , .
« »

Comment: