Calendar

Khilaaf cusub oo ka dhex aloosan dawlada federaalka ah iyo maamulka Jubbaland

Waxaa mar kale uu dib u dhac ku yimid shirkii Dib u heshiisiinta Jubooyinka ee lagu waday maanta inuu ka furmo magaalada Muqdisho, kadib markii horaantii bishan ay ku dhawaaqday Xukuumada inuu shirka dhacayo 21-ka October.

Inkastoo aanay Xukuumada ku dhawaaqin dib u dhaca shirkan iyo in shirka dib loogu dhigay muddo kale, ayaa waxaa uu ka dambeeyay markii Maamulka KMG ah ee Jubba uu diiday inuu shirkaas ka qeyb galo.

Xukuumada Soomaaliya ayaa shirkan dib u dhigtay 5-tii bishan, waxaana Afhayeenka Xukuumada Ridwaan Xaaji Cabdiweli uu sheegay 3-dii bishan in shirka dib loogu dhigay ilaa 21-ka bishan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan ergooyin ka socota Jubooyinka oo ay ka mid yihiid qaar ka mid ah dhinacyadii ku dagaalamay Kismaayo ee looga adkaaday dagaalka oo ay ka mid yihiin Madaxweynayaashii is magacaabay.

Dib u dhaca shirkan uu ku yimid ayaa ku soo beegmay, iyadoo magaalada Kismaayo uu booqasho ku joogo wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya oo kala hadlaya maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe dhameystirka heshiiskii Addis Ababa.

Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa ka biya diidan inuu ka qeyb galo shirka dib u heshiisiinta Jubooyinka ee ka dhacaya Muqdisho, iyadoo tan ay soo cusbooneysiisay mad madowgii u dhaxeeyay iyaga iyo dowladda Soomaaliya.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured.
« »

Comment: