Calendar

Ku dhawaad 14 qof oo ku dhintay qaraxii ka dhacay magaalada Beledweyne

Faah faahin ayaa ka soo baxaysa qarax ismiidaamin ah oo maanta barqadii ka dhacay bartamaha magaalada Beledweyn, markii ruux naftii hure ah uu isku qarxiyay maqaaxi ku dhow Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in ilaa 14-ruux ay ku dhinteen qaraxa, halka labaatameeyo kalena ay ku dhaawacmeen maqaaxida shaaha lagu cabo oo ay fariistaan dad rayid ah iyo ciidamo sida dad goob joogayaal ay inoo sheegeen.

Haweeney laheyd maqaaxida oo lagu magacaabayay Farxiyo ayaa ka mid aheyd dadkii ku dhintay goobta, waxaa ku jira dad kale oo dhalinyaro iyo odayaal ku jiraan.

Maqaaxida ayaa aheyd mid aad u camirneyd oo ay ku sugnaayeen dad fara badan oo ay ku jireen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured.
« »

Comment: