Calendar

Kullan dalka Malaysia ku dhax maray Wakiilo ka socday Midowga Ardayda Soomaaliyeed iyo Soomaalida ku dhaqan dalka Malaysia (Warbixin).

226153_168579093200936_106492496076263_419926_2510668_n

Bartamaha (Kuala Lumpur):- Wakiilo ka socday Midowga Ardayda Soomaaliyeed (WorldWide Somali Students) ayaa dhawaan Kullan kula yeeshay Ardayda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Malaysia, Kullankan oo ka dhacay Jaamacadda International Islamic University Malaysia (IIUM), Kullankan ayay ka soo qeyb galeen boqolaal dad ah oo isugu jira, Arday, Mas’uuliyiin ka socday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Malaysia iyo qeybaha kala duwan ee Bulashada Soomaaliyeed dalka Malaysia.
Ugu horeyntiiba waxaa Kullanka daah furay kuna soo dhaweeyay Martidii Kullanka ka soo qeyb gashay Abdisalaam Mohamed Sheikh oo ah Gudoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Malaysia, Mudane Abdisalaam ayaa sheegay in xilligan la joogo ay tahay xilligii laga tashan lahaa aayaha dalkeena Soomaaliya.
Ardayda Soomaaliyeed Miyaysan Cod laheyn, Haddii aanu nahay Ardayda Soomaaliyeed Waxaa la joogaa Waqtigii aan wax qabad la iman laheyd” ayuu Yiri Mudane Abdisalaam Mohamed oo ah Gudoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Malaysia.
Sheikh Abdiwali oo halkaasi ka jeediyay Khudbad Wanaagsan ayaa dadkii meesha isugu yimid ku baraarujiyay in ay Alle ka cabsadaan, dhan kalle wuxuu hoosta ka xariiqay in Umadda Soomaaliyeed dhibaatooyinka heesta ay ka midyihiin.
1. Dib u dhac:- Taasi oo Keentay in maanta aan Aduunka ka harnay.
2. Wax Qabad La’aan.
3. Mas’uuliyad La’aan:- Maamul xumada iyo in la waayo Madax wanaagsan waa dhibaatooyinka ugu badan ee Soomaalida maanta heesto.
Dhan kalle Sheikh Abdiwali ayaa guud ahaan dadkii Goobta isugu yimid oo u badnaa Arday kula dar-daarmay in ay waqtigooda ka faa’iideestaan isla markaana ay la yimaadaan wax qabad.
Intaas kadib waxaa goobta lagu soo dhaweeyay Dr. Muuse oo ah Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Malaysia isla markaana ah Macalin wax ka dhiga Jaamacadda Kullanka lagu qabtay ee International Islamic University Malaysia (IIUM), Dr Muuse oo hadal Wanaagsan ka soo jeediyay goobta ayaa inta badan ka hadlay Dhibaatadda Soomaalida Heesato iyo sidii looga bixi lahaa.
“Soomaalidda waa dad Dhibaateeysan, Haddana aanan aqoon Dhibaatadda Heesato” Ayuu yiri Dr. Muuse oo la hadlyay dadkii Kullanka ka soo qeyb galay, dhan kalle Dr. Muuse ayaa ka hadlay Dhibaatadda lagu hayo Badda Soomaaliya isagoo sheegay in ay Muhiim tahay in wax badan laga ogaado sababta keentay in Wiilaal Soomaaliyeed ay ka qowleestaan Badda Soomaaliya isla markaana uu Caalamkana ku tilmaamo dhalintaas Dowlad la’aanta ay ku dhacday Burcad Badeed.

Dadkii Xafladda ka soo qeyb galay

Dadkii Xafladda ka soo qeyb galay

Dr. Muuse ayaa dhanka kalle sheegay in Soomaalida ay yihiiin dad wax qabsan kara haddii laga daayo fara galinta iyo dhibaatadda lagu hayo “Soomaalida waa dadka Kaliya ee wax qabsan kara haddii ay Nidaam iyo Hogaan Wanaagsan Hellan”.
Dr. Muuse ayaa ugu danbeyn Midowga Ardayda Soomaaliyeed kula dar-daarmay in ay wax qabad la yimaadan si loo bad-baadiyo Umadda Soomaaliyeed ee dhibaateeysan. Dr. Muuse ayaa Hadakiisa ku soo gunaaday “Soomaaliya Cidna Uma maqna Ceelna uma qodna”.


Mohamed Wali oo ah Wakiilka Midowga Ardayda Soomaaliyeed (WorldWide Somali Students) ee dalalka Australia iyo New Zealand oo marti ku ahaa dalka Malaysia ayaa lagu soo dhaweeyay goobta ay Xafladda ka socotay iyadoo halkaasii uu ka jeediyay Khudbad xiiso badan.
Mudane Mohamed Wali ayaa Soomaalidii Goobta isugu timid sharaxaad ka siiyay nolasha guud ee Soomaalida ku dhaqan dalalka Australia iyo New Zealand iyadoo gaar ahaan dalka Australia ee uu ka yimid ka bixiyay macluumaad ay la dhaceen dadkii goobta isugu yimid. Mohamed Wali ayaa sheegay in Soomaalida dalka Australia ay leeyihiin Ururo Arday, Kuwo Bulsho dhamaadtoodna ka shaqeeya Horumarinta iyo isku xirnaanta dadka Soomaalida ee ku nool dalka Australia.
Mudane Mohamed Wali oo ka yimid Magaalada Perth ee dalka Australia ahna Wakiilka Midowga Arday Soomaaliyeed ee Australia iyo New Zealand ayaa amaan u soo jeediyay Soomaalida gaar ahaan Ardayda wax ka bartay dalka Malaysia iyo sida wacneed ee ay u soo dhaweeyeen.
Mohamed Wali ayaa sheegay in July, 2009 la asaasay Midowga Ardayda Soomaaliyeed (World Wide Somali Students), Fikirkana uu ka yimid Kassim Mohamed Ali oo ah arday Soomaaliyeed oo wax ka barta dalka England xilli uu booqasho ku joogay dalka Masar. Dhan kalle Mohamed Wali ayaa sheegay in Ururka uu maanta Wakiilo ku leeyahay dalalka Ay Soomaalida wax ka bartaan, Mustaqbalkana la rajeenayo in la gaarsiiyo guud Ahaan Aduunka Meel walba oo ay ka joogaan Arday Soomaaliyeed.
Sidoo kalle waxaa halkaas ka hadlay Dr. Yahye oo ahaa Hormuudkii Kuliyada Dhaqaalaha ee Jaamacada Mogadishu Haatana wax ka dhiga Jaamacado ku yaala dalalka Yurub ayaa khubad xiiso gaar ah laheyd halkaas ka jeediyay.
Dr. Yahye wuxuu wax ka sheegay taariikhdii ay soo martay wax barashada Soomaaliya Shalay iyo Maanta. Dhan kalle Dr. Yahye wuxuu ka dhawaajiyay in uu soo dhaweeynayo Midowga Ardayda Soomaaliyeed (WorldWide Somali Students), isla markaana uu ku booriyay in ay la yimaadan qorshe cusub oo wax barashada iyo nolasha dadka Soomaalida ah lagu dhisayo.
Ugu danbeytnii waxaa Xafladda soo xiray Abdulaahi Jimcaale oo ah Wiilka Midowga Ardayda Soomaaliyeed (WorldWide Somali Students) ee dalka Malaysia, Iyadoo Mudane Abdullahi Jimcaale u mahadceliyay dhamaan dadkii xafladda ka soo qeyb galay.
Xafladda ayaa ku dhamaday Jawi wanaagsan, iyadoo dadkii Kullanka ka soo qeyb galay ay la dhaceen qaabkii loo soo agaasimyay kullanka.
Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentleman”
[email protected]
Kuala Lumpur, Malaysia.

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, Maqaallo / Articles, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: