Calendar

LIVE: Shirka Soomaaliya ee London – [SAWIRO, MUUQAALO iyo QORAALO]

Dhamaan, waxyaabaha ku saabsan shirka Soomaaliya ee London kala soco halkaan, daqiiqad, daqiiqad.

TOOS U DAAWO HALKAN

12:35: Shirka London ayaa sii socon doono iyadoona hada la qaadanayo break yar dibna loogu soo laaban doono shirka

11:29am - Wasiirka arimaha dibadda Turkey-ga Axmet Davutoglu oo gaarey Lancaster House oo ka dhacayo shirka caalamiga ee arimaha Soomaaliya looga hadlayo [SAWIRKA: FARXAN JIMCALE]

11:23am - Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa gaarey Lancaster House oo u uga qeyb galayo shirka caalamiga ee Soomaaliya [SAWIRKA: Harun Macruuf]

11:20am - Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo gaarey Lancaster House oo shirka caalamiga ee Soomaaliya uu ka dhacayo  [SAWIRKA: FARXAN JIMCALE]

11:16am - Madaxweynaha Uganda Yuweri Musavani oo gaaray Lancaster House ee magalada London oo shirka Soomaaliya ka dhacayo [SAWIRKA: FARXAN JIMCALE]

11:13am - Ra’isal wasaaraha Itoobiya ayaa soo gaarey goobta uu ka dhacayo shirka Soomaaliya ee London [SAWIRKA: FARXAN JIMCALE]

10:55am – Wafuuda ka kala socoto caalamka ayaa bilaabay iney soo gaaraan shirka London ee Soomaaliya ee ka dhacayo Lancaster House [SAWIRKA: FARXAN JIMCALE]

 

Shirka Soomaaliya ee London ayaa maanta dhacayo halkaas oo 50-dowlado iyo hay’ado caalami ah iskugu jiro ay kasoo qeyb galayaan.

Shirka waxa lagu eegi doona sidii lagu caawin lahaa Soomaaliya oo gacaheeda dib iskugu taagto kadib 22-sano oo dagaaalo sokeeye ay ka jireen.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: