Calendar

Maamulada Ahlusuna Waljameeca ee Wadanka Somalia oo Samaystay Official Website

AHLU_SUNAAA1 (1)Waxaa marki ugu horeysay si rasmi ah hawada u soo galay website ka rasmiga ah ee ku hadla afka Culumada Ahlusunna Waljameeca ee Wadanka Somalia.

Website ka ayaa waxaa u noqonaya midki ugu horeyay ee si rasmi ah u hoostagaya Maamulka Guud ee Culumada Ahlusunna ee Wadanka Somalia waxaa una bahin doona Wararki ugu danbeyay ee deeganada u ka taliyo Maamulka Ahlusunna Waljameeca ee Wadanka Somalia .

Furitaan ka Website kan hoos taaga Maamulka guud ee Ahlusunna ayaa yimid ka dib markI Tageerayasha Culumada ahlusunna Waljameeca ay dalbadeen in ay heelan Warbahin dhex dhexaad ah isla markana soo gudbisa xaqiiqda rasmiga ah ee ka jirta deeganada ka taliyo Maamulka ahlusuna sida Gobolada dhexe ee Somalia  oo mudadi ay gacanta ku hayeen Culumada Ahlusunna hormar badan  sameyay  Sido kale Gobolka Gedo iyo qaybo ka mid ah  gobolada Bay iyo Bakool.

Website ka  AllAhlusunna.com waxaa u Xarumo iyo wakilo ku yealanaya Gobolada Dhexe ee Somalia Gobolka Banadir Gobolka Gedo iyo Wariye uga so warama qaybo ka mid ah Gobolada  Bay iyo Bakool.

Sido kale waxaa Xarun Dhexe ku yelanaya Magalada Nairobi ee Wadanka Kenya iyo qaybo ka mid ah Qaradaha  Yurup iyo America .

Waxaa horey u jiray Website yo tagera Maamulka Ahlusunna ee Dalka Somalia balse midkan ayaa waxaa u uga duwanan doona in u yahay Website ka rasmiga ah ee ku hadla afka Culumada Ahlusunna Waljameeca ee Wadanka Somalia

Mowliid Cabdiqadir



Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: