Calendar

Maamulka Kismaayo oo Maanta Lacago Deeq ah Gudoonsiiyay Dad aad u danyar ahaa.

Maamulka Islaamiga ah ee Gacanta ku haya Magaalada Kismaayo ayaa Maanta lacago Deeq ah Gaarsiiyay Dad Danyar ahaa oo ku nool gudaha Magaalada Kismaayo.

 

Dadkaan oo aan awoodi Karin in ay helaan nolol Maalmeed ku filan ayaa Maamulku waxa ay bilaabeen in ay lacago siiyaan dadkaas oo aan ayagu la tacaalayay Xaalado Nolol Xumo.

 

Xafiiska Arimaha Bulshada ee Gudaha Degmada Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka J/hoose ayaa Saaka lagu arkayay dadweeyne fara badan oo kuwa lacagta la gudoonsiinayay ah oo halkaasi isugu yimid.

 

Arintaan lacago qeybinta ah ayay Maamulku Bilaabeen kadib markii ay la wareegeen Gacan ku haynta Magaalada Kismaayo Sanadii 2008, hadana waa mid kasii socoto weli Gudaha Kismaayo.

 

 

Isha Wararka Xaqiiqda ah Ee Bartamaha Kismaayo.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: