Calendar

Maamulka Kismaayo oo maanta soo gabagabeeyay Dhismihii Wadada Weyn ee Aada Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo.

Wadadaan Laamiga ah ee dhismaheeda ka socday Magaalada Kismaayo Mudadii 3da bilood ahayd ee lasoo dhaafay waxaana lagu guulayastay in la dhameeyo dhismaha wadadaasi oo maanta gaadiidku ay si toos ah u isticmaalayeen,

 

Wadadaan waxaa lugu qiimeeyay in ay ku bexeen hanti lagu qiyaasay $260,000 Dollar oo lacagta ameerikaanka ah waxaana isu kaashaday maamulka gobolka ka arimiya,gaadiidlayda,ganacsatada iyo dadka deegaanka kismayo ku nool

 

Sheekh Xasan tartiib oo ah Madaxa Ammaanka Wadooyinka ayaa Bartamaha u sheegay in ay Maamulku Dhameystireen Wadadaan ayna isticmaali karaan gaadiidka dadweeynaha laga bilaabo Maanta oo taariikhdu ay ku beegantahay 09/06/09.

 

Wadadaan oo soo bilaabatay dabayaaqadii Bishii Maarso ayaa la dhisay dhul Masaafadiisu ay dhantahay 650m, waana wado halbowlo u ah isu socdka gaadiidka dadweeynaha ku dhaqan gudaha Magaalada Kismaayo.

  

Wadadaan ayaa ahaan jirtay mid aad u burbursan tan iyo 18kii sano ee laga soo gudbay waxaana gaadiidku ay dhibaato kala kulmi jireen xilliyada ay roobabku da’aan gaar ahaanna marka gu’ga iyo xagaagu ay isku xigsadaan waqtiyadaas oo ay da’aan roobab aan kala go’ lahayn.

Hase yeeshee wadadaan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo ay dhisaan Maamulladii isaga danbeeyay Magaalada Kismaayo tan iyo 1991dii xilligaas oo ay bilowdeen dagaaladii sokeeye ee Wadanka Soomaaliya.

Warar Xaqiiq ah Kala Soco www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: