Calendar

Maamulka Xizbul Islaam Degmada Afgooye oo digniin u jeediyay Suxufiyiinta wararka ka dira Deegaanadaasi.

xizbul IslaamBartamaha (Afgooye):- Afhayeenka Maamulka Islaamiga ah ee degmada Afgooye ahna  Madaxa dacwada ee Maamulkaasi Sheekh Cali Sheekh Cumar Xaaji Cabdi ayaa Eedeeyan kulul u jeediyay Wakiilada Idaacadaha ku yaala Magaalada Muqdisho isagoo digniin culus u jeediyay Suxufiyiinta ka shaqeeya Degmada.

Afhayeenka Xizbul Islaam Afgooye ayaa waxa uu sheegay in Idaacadaha magaalada Muqdisho ay faafiyeen warar been abuur ah oo uu sheegay in ay inta badan isku dayayaan in ay ku xumeeyaan qaab maamulka Maamulkooda Degmada Afgooye.

Sheekh Cali Sheekh Cumar Xaaji Cabdi Madaxa Dacwada ahna Afhayeenka maamulkaasi Afgooye ayaa waxa uu sheegay in Wakiilada Idaacadaha FM-Ka gaar ahaan kuwa Afgooye deegaan ahaan ku nool ay gudbiyeen warar been abuur ah iyagoo sheegay in deegaanka Afgooye ay tacshiirad ka dhacday taasi oo uu ku tilmaamay been abuur la isku xisaabin doono.

Afhayeenka ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen nin dhawaan 2-ruux ku dhaawacay suuqa Adhiga Afgooye halkaasi oo uu sheegay inSuxufiyiinta ay ka been sheegeen kuna tilmaameen in tacshiirad culus ay ka dhacday.

Hanjabaad culus oo uu jeediyay afhayeenkaasi ayuu sheegay in ay talaabo ka qaadayaan wariyayaasha ka shaqeeya Afgooye iyadoo ay qeyb ka tahay tacadiyada tooska ah iyo midda niyad jabinta ah Ee lagula dhaqaaqo Saxaafada Xorta ah Ee ka dhaqdhaqaaqda Soomaaliya.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed Bartmaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta and tagged , , , .
« »

Comment: