Calendar

Madaxweynaha Jabuuti oo sheegay in ciidankiisu sii joogayaan Soomaaliya

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in Ciidamadiisa ay sii joogayaan Soomaaliya, inta dalkaas cagaihiisa isaga taagayo, amnigiisana dib u soo ceshanayo, kadib khudbad uu shalay jeediyay Munaasabada Ciidul Adxa.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa hambalyo u diiray ciidankiisa ku sugan Soomaaliya ee qeyb ka ah howl galka midowga Afrika, isagoo ku amaanay waxqabadka ciidamadiisa iyo dadaalka ay ugu jiraan gacan siinta walaalaha Soomaaliya, waxaana uu xusay inay tababaro siinayaan Ciidamada Soomaalida.

“Waxaan hambalyo u dirayaa geesiyaasheena jooga Soomaaliya ee dadaalka ku bixinaya taageerada walaalahooda, inta itaal keena waa sii wadi doonaan inaan tababarno, oo aan xoojino nabada”ayuu yiri Madaxweynaha Jabuuti oo intaa ku daray inay ammaan ku muteystay howsha ay Ciidamadiisa ka hayaan Soomaaliya.

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in aanay dhag jalaq u siin doonin hanjabaadaha ka imaanaya Al-Shabaab, isagoo tilmaamay in kuwa ay hanjabayaan aanay iyaga aheyn.

“Hadadaadaha iyo Hanjabaadaha ka imaanaya kuwa xalaaleystay dhiiga Islaamka ha u sheegaan kuwa ay dalka ka xigaan”ayuu yiri Ismaaciil Cumar Geelle.

Al-Shabaab ayaa dhowaan ugu baaqay Madaxweynaha Jabuuti in ciidamadiisa kala baxo Soomaaliya, hadii kale ay la kulmayaan cawaaqib iyo weeraro ay la beegsanayaan ciidankooda jooga Hiiraan.
Cutubyo ka tirsan Ciidamada Jabuuti oo qeyb ka ah Howl galka AMISOM ayaa ku sugan Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: