read more »">
Calendar

Madaxweynaha Jubbaland oo ogolaaday inuu ka qaybgalo shirka ka dhacaya magaalada Muqdisho

Kadib wada hadalo qaatay saacado fara badan oo u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland ayaa is afgarad lagu gaaray, iyadoo Axmed Madoobe uu aqbalay inuu ka qeyb galo shirka dib u heshiisiinta ee lagu qabanayo Muqdisho.

Wada hadalada oo mar ku dhawaaday inuu fashilmo ayaa ugu dambeyn wafdiga uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha C/kariin Xuseen Guuleed iyo Maamulka Jubba ay isku afgarteen qodobadoo lagu muransanaa.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir u qabteen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo madaxweynaha Jubbaland ayaa waxay ku xaqiijiyeen in laga heshiiyay qodobadii la isku hayay.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in sida uu dhigayay heshiiskii Addis Ababa in shir dib u heshiisiin wajigiisa hore lagu qabanayo magaalada Muqdisho, kadibna lagu soo wareejiyo magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in gudi farsamo loo saari doono arrimaha ay ku heshiiyeen oo ay ka mid tahay in Ciidamada uu hogaamiyo Col. Barre Hiiraale ee ku sugan duleedka Kismaayo la xareeyo, isla markaana la qarameyn doono.

Gudiga loo saaray inay soo xareeyaan ciidamadaas ayaa waxay ka kala imaanayaan dowladda Soomaaliya, AMISOM iyo Maamulka Jubba.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa isna ku dhawaaqay in wada hadaladii la isku afgartay isla markaana magaalada Muqdisho lagu qabanayo wajiga hore ee shirka dib u heshiisiinta, wajiga labaadna Kismaayo lagu qabanayo.

Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa horay u diidanaa inuu ka qeyb galo shirka dib u heshiisiinta Jubooyinka ee lagu qabanayo Muqdisho, iyadoo shalay ay ku beegneyd waqtigii dowladda ay iclaamisay shirka inuu ka dhaco Muqdisho.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured.
« »

Comment: