Calendar

Madaxweynaha maamul goboleed Jubba Raas oo ku baaqay in gargaar lala gaaro dadka ay abaaruhu saameeyeen

Nairobi,Kenya – Iyadoo ay isa soo tarayaan baaqyada lagu dalbanayo in gargaar loo fidiyo dadka ay abaartu ku dhufatay ayaa madaxweynaha maamul goboleedka Jubba Raas uu ugu baaqay hay’adaha gargaarka inay dadajiyaan kaalmada bini’aadannimo ee ay u fidinayaan dadka tabaalaysan.

 Isagoo shir jaraa’id ku qabtay Hotelka Nomad ee  magaalada Nairobi  ayuu Eng. Cabduqaadir Maxamuud Yuusuf uu ku tilmaamay xaaladda abaaraha inay tahay mid halis ah oo kumannaan dad ah ay khatar ugu jiraan inay u geeriyoodaan nafaqo darro.

Eng. Cabduqaadir waxaa uu si gaar ah farta ugu fiiqay abaarta ka jirta deegaannada Jubbooyinka oo uu ku tilmaamay in dadkii iyo duunyadiiba ay abaartu saamaysay. Isagoo si gaar ah qurba joogta ugala dardaarmay inay caawiyaan walaalahooda dhibaataysan ee ay abaartu ku habsatay ayuu Madaxweeyne Cabduqaadir ka codsaday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi wali Maxamed Cali inuu xukuumaddiisa ku soo daro wasiir si gaar ah u qaabilsan abaaraha iyo musiibooyinka dabiiciga ah.Waxaa baaqa madaxweynaha maamul goboleedka Jubba Raas oo ka mid maamul goboleedyada dhawaan looga dhawaaqay Soomaaliya uu imaanaya xilli ay abaar adagi ku habsatay inta badan gobollada Soomaaliya iyadoo kumannaan qof ay la ildaranyihiin abaarta

Comments

comments

Category : Featured, Latest Somali News, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: