Calendar

Madaxweynaha oo khudbad u jeediyay Shacabka

aaMadaxweynah Jamhuuriyadda Mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha ciidammada qaranku ka gaareen dagaallada ka dhanka ah Shabaab ee ka soconaya magaalada Muqdisho.

Madaxweynahe Sheikh Shariif oo maanta booqasho ku yimid Wasaaradda Warfaafinta iyo Radio Muqdisho, ayaa sidoo kale Radio Muqdisho uga mahad celiyay shaqada weyn ee uu u hayo qaranka.

Khudbad uu madaxweynuhu Radio Muqdisho u mariyay shacabka Soomaaliyeed ayuu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo khuseeya dagaallada socda iyo xaaladaha guud ee dalka ka jirta.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dalku soo maray marxalado kala duwan oo aad u adag, aynna ugu daran tahay tan uu hadda ku jiro, iyadoo kooxo diin sheeganaya ay dadka ku hayaan argagixin,dhac, dil iyo barakicin, iyagoo aan marnaba qaddarineynin karaamada iyo caqiiddada ummadda Soomaaliyeed.

“Dowladda Soomaaliyeed iyadoo kaashaneysa Allaah SW,Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidammada u soo gurmaday ee AMISOM, waxay go’aansatay inay shacabka Soomaaliyeed ka dul qaaddo dhibaatada ay ku hayaan kooxahan oo isugu jira Soomaali iyo ajaanibba, arrintaasina waxa ay mareynsaa meel wanaagsan” ayuu yiri madaxweyne Sheikh Shariif, oo tilmaamay in dowladdu doomeyso in ay aragto shacabka Soomaaliyeed  oo xor ah , heystana nabad iyo midnimo buuxda.

Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed, waxa uu khudbaddiisa ku sheegay in ay dalka soo mareen dowladdo rayid iyo milatariba leh, ayna xigeen dowlado Federaal ah la kulmay caqabo hadba heer joogay, haddana ay dowladnimada iyo degganaanshaha dalka caqabad ku yihiin kooxo diin sheeganaya  oo kala ah Shabaab iyo Alqaacida.

Madaxweynuhu waxa uu mar kale ku celiyay in dowladda Soomaaliyeed ay  horayba u qaadatay ku dhaqanka Shareecada Islaamka, isla markaana ay adagtahay in diinta lagu dhaqmo haddii aan dowladi jirin.

“Ciidammada dowladdu waxay muddo dheer u diyaar garoobayeen sidii ay howl gal ciidan u qaadi lahaayeen, meelo badan Muqdisho iyo gobollada ahna waxaa ka bilowday howl gal, Ujeeddada howl galkaas laga leeyahay waa in dadka Soomaaliyeed ay helaan ammaan iyo kala dambeyn, taas ayaana u suurto galineysa in ay helaan waxa ay doonayaan, sida Ganacsigooda,Waxbarashada iyo wax kasta oo ay noloshooda ku horu marin karaan”.

Madaxweyne Shariif waxa uu sheegay in dowladdu ay qaddarineyso talooyinka iyo afkaarta Shacabka Soomaaliyeed, taas oo uu tilmaamay in  lagu saxayo khaladaadkii soo dhacayay 20-kii sano ee tagtay, si aan u gaarno shucuubta nala midka ah.

Waxa uu madaxweynuhu tilmaamay in Shacabka Soomaaliyeed wax walba wadaagaan, sidaas darteedna loo baahan yahay  in wax laga barto khaladaadkii soo dhacay , lana helo nidaam caddaalad ah ,maadaama aan soo tijaabinnay qabyaalad iyo sadbursi.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in dadku ay jeclaan lahaayeen in wax walba ay deg deg ku dhammaadaan oo dhibaatadu soo afjaranto, balse muddadii dheereyd ee burburku jiray iyo caqabadaha jiraba ay  keeneen in xalku fogaado, waxa uuse rajo weyn ka muujiyay in marka la isku daro dadaallada dowladda Soomaaliyeed waddo iyo taageerada Shacabka Soomaaliyeed ay soo laaban doonto kala dambeyntii iyo xasilloonidii , Nabaddii  iyo caddaaladdii ba ,uuna qof walba oo Soomaaliyeed fursad u heli doono in uu ka qeyb qaato horumarka dalkiisa.

Bilowgii burburka Shabaab.

Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh waxa uu khudbaddiisa ku soo hadal qaaday sida ay u wiiqmeen kooxaha diiddan dowladnimada, isagoo yiri waxa la joogaa bilowgii burburkooda, taas oo uu madaxweynuhu ku sababeeyay qallooca dhinaca fikirka ah ee kooxahan ku dhacay iyo shacabka Soomaaliyeed ee qunyar socodka ah oo aan marnaba ku qancin afkaarta xagjirnimada ku dhisan ee kooxahani wataan.

“Shacabka Soomaaliyeed way ka soo daaleen dad dhibaateeya oo hub la hor istaaga, waxay soo arkeen nidaamyo kala duwan mar walbana way ka guuleysan jireen. kuwo Shabaab iyo Alqaacidda ka xoog badan ayaa laga guuleystay, haddana waa laga guuleysanayaa ifafaalihina waa muuqdaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed, oo rajo wanaagsan ka muujiyay in dagaallada socda, shacabka Soomaaliyeed looga dulqaado cadowga isa soo baheystay ee Shabaab iyo Alqaacidda.

Waxa uu madaxweynuhu shacabka ku tirtirsiiyay in ay dalkooda jeclaadaan, ayna is garab galaan, si dhibta jirta looga boxo, taas oo uu sheegay in ay ku dhici karto in danta guud laga shaqeeyo, si loo gaaro danta gaarka ah.

Ummad wax dhista.

Madaxweynuh waxa uu tilmaamay in Shacabka Soomaaliyeed in badan oo ka mid ahi ay jecelyihiin in ay siyaasadda ka shaqeeyaan, sidaas darteedna ay habboon tahay in ujeedka qofku u gelayo siyaasadda uu noqdo in uu dalkiisa iyo dadkiisa u shaqeeyo, isagoo u maraya wadiiqo sharci ah oo aan shacabka dhibaato ku ahayn , isla markaana la aqbali karo.

 Madaxeynuhu waxa uu shacabka ugu baaqay in ay noqdaan dad wax dhisa oo aysan noqon dad wax dumiya, isagoo intaa ku daray in qof kasta oo u hanqal taagaya siyaasad ama ha ku  jiro dowladda ama dibadda ha ka joogee uu ciyaaro kaalin wax dhiseysa, taas oo muhiim u ah sumcaddiisa , si uu u helo kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed.

“ Haddii muddooyin fara badan la isku taageeri  jiray qofkaani xumaan ayuu sameyay ama waa qof sharwade ah, waxaan aamminsanahay maanta in laga yimid,  oo dadka Soomaaliyeed ay daneynayaan qof wanaag wada, sidaad darteed ayay lagama maarmaan tahay in qof kastaa noqdo mid wax dhisa oo uusan wax dumin”.

 

Wada noolaasho

Madaxweynuhu waxa uu  tusaale u soo qaatay sida ay  nabad ugu wada noolyihiin ummado aan isku diin, dhaqan iyo afba ahayn, taas oo ay ugu wacan tahay oo kaliya in ay is aqbaleen, sidaas darteed ayuu madaxweynuhu tilmaamay in bulshada Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ku daydaan shucuubta kale ee caalamka oo iyagoo  wax walba ku kala duwan haddana ku guuleystay in ay horumar sameeyaan, ayna wada noolaadaan.

Waxa uu intaa ku daray in qof kasta oo shacabkaka mid ah iyo hay’adaha kala duwan ee dowladdaba looga baahan yahay in ay kaalintooda ka soo dhalalaan, isla markaana cagta la saaro nidaamka dowlad wanaagga iyo isku kalsoonaata iyo in aan isku kaashanno samatabixinta Shacabka Soomaaliyeed.

Abaaraha.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale baaq u diray ganacsatada iyo maalqabeennada Soomaaliyeed oo uu ka codsaday in ay gargaaraan dadka walaalohood ah oo abaaruhu ku dhufteen.

Baaq kaas la mid ah waxa uu madaxweynuhu u jeediyay beesha caalamka oo uu weydiistay in ay gargaar la soo gaaraan shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan una baahan gurmad deg deg ah.

Gebo gebo.

Ugu dambeyntii madaxweynuhu waxa uu hadalkiisa ku soo gebagebeeyay baaq uu u diray dhallinyarada  la marin habaabiyay ee ka barbar dagaallama Alshabaab, oo uu ugu baaqay inay isaga soo baxaan safka kooxdan dhibta ku heysa Shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna madaxeyne Shariif  tilmaamay in dowalddu ay ka shaqeyneyso baajinta dhiig Soomaaliyeed oo daata, isagoo rajeeyay in ay nabaddii  iyo karaamadii shacabka Soomaaliyeed dib u soo laabato, qof walbana uu ka qeyb qaato horumarka iyo dib u dhiska dalkiisa.

__

Xigasho: Radio Muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta and tagged , , .
« »

Comment: