Calendar

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka

Madaxweynaha London - 9Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, gaar ahaanna wixii Xamar ka jooga odayaashii beelaha soomaaliyeed ee soo xulay baarlamaanka haatan jira.

Kulankan oo ay yimaadeen qaar kamid ah odayaashu ayaa madaxweynaha Soomaaliya uu ku tilmaamay inay yihiin mid kamid tiirarka dawladnimada Soomaaliya, taladoodana aan laga maarmin.

“Cabashooyinkii waan dhagaysanaynaa, waxaanad ogaataan inaan dawladnimada Soomaaliya looga maarmintalooyinkiina.

Qaar kamid ah odayaashii kulankaas ka hadlay ayaa dhaleeceeyay sida ay dawladu isaga indhatirtay doorka odayaasha, iyagoo tilmaamay in dawladu ay ku guul darraysatay dhinacyo badan oo hagaagi lahaa hadii odayaasha talada wax looga dari lahaa.

Ugu dambayna madaxweyne Xassan Sheekh ayaa odayaasha dhaliilahooda soo dhaweeyay waxaana uu iska difaacay hadal ahaa inaysan dawladu intii ay jirtay wax qaban, isagoo sheegay in madaxda qaranku ay habayn iyo maalinba u taaganyihiin sidii qaranimada Soomaaliya loo hagaajin lahaa.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: