Calendar

Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo dib ugusoo laabtay Caasimada (war saxaafadeed + Sawirro)

Garowe _ Jimce, Garowe, 07, 02, 2014- Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta dib ugu soo guryo noqday magaalada Garowe ka dib socdaal laba maalin qaatay oo uu Muqdisho uga qaybgalay Aaska AHN Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

Garoonka Diyaaradaha Garowe ayaa Wafdiga Puntland ee Madaxweynuhu horkacayay waxa ku soo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeenka Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar, Gudoomiyaha Barlamanka Siciid Xasan Shire, wasiiro iyo taliyaasha ciidamada.

Gelinkii hore ee maanta ayaa Madaxweyne Gaas uu kaga qaybgalay Muqdisho Aaska Ra’iisal wasaarihii hore ee Somalia oo la keenay maanta Maydkiisa, isagoona u tacsiyeeyay eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuumku oo uu ku tilmaamay Halyeey ka baxay qaranka Soomaaliyeed.

IMG_0448-450x342 IMG_0451-450x342 (1) IMG_0451-450x342 IMG_0455-450x342 IMG_0460-450x342 IMG_0486-450x342 IMG_0491-450x342 IMG_0503-450x342 IMG_0508-450x342 IMG_0516-450x342 IMG_0533-450x342 IMG_04891-450x342 IMG_04971-450x342

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: