read more »">
Calendar

Madaxweyne Faroole oo xariga ka jaray mashruuca ilaalinta deegaanka

Mashruuc ay maalgalinayso Midowga Yurub oo la doonayo in lagu ilaaliyo deegaanka si looga hortago in dhulka geeduhu ku yaallaan ay saxaare isu badalaan ayaa maanta waxaa xariga ka jaray Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole).

Xaflada lagu daahfurayay mashruuca oo ka dhacday magaalada Garoowe ayaa waxaa ku sugnaa wafdi ka socday Midowga Yurub oo bixinaya lacagta ku bixi doonta barnaamijka ilaalinta deegaanka.

Kadib markii uu xariga ka jaray ayaa madaxweyne Faroole uu ugu baaqay dadka ku nool Puntland inay ilaaliyaan deegaanka oo uu sheegay inuu yahay mid kamid nimcooyinka Rabbi ugu deeqay aadamaha.

Dhaqaalaha mashruucan loogu talo galay ayuu madaxweyne Faroole ugu baaqay hay’adaha maamuli doona inay qayb ka siiyaan Hay’adda Wadooyink Puntland PHA , maadaama janjeerka ku jira qaab-sameyska dhulka Puntland uu saameyn ku yeesho jidadka, gaar ahaan mararka ay roobabku da’aan.

 

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: