Calendar

Madaxweyne Faroole: Waxaan Leenahay ICAO Kuma Wareejin Kartaan Dowladda Xamar Hawada Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud oo maanta gaaray magaalada Garoowe ayaa Saxaafada siiyey hadal soconaayey muddo 30daqiiqo oo uu kaga hadlay arrimo badan ku Saabsan Xaalada dalka. Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole ayaa ka hadlay arrimaha Shidaal baarista ee gudaha Soomaaliya gaar ahaana Mashaariic shidaal baaris ah oo la filaayo in Sanadka soo socoda laga bilaabo Soomaaliya.

Shidaalka Dalka Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in tartan dhanka Shidaal baarista uu ka bilowday dhinaca Muqdisho oo ay wadaan Shirkado ajnabi ah taasina ay tahay mid dhibaato keeneysa marar badana ay Qoraalo ka sameeyeen

” Waxaa wax la yiraahdo tartan Shidaal baa Soomaaliya hada soo galay oo Shirkado ajnabi ah oo ka bilaabmay dhinaca Muqdisho,arrintaas wax badan baan ka hadalnay qoraalana waan ka sameynay yey dhibaato inoo keenin”ayuu yiri.

Wuxuu sheegay Madaxweyne Faroole in sharci ka yaala arrimaha Shidaal baarista dalka isla markaana uu Dastuutka Puntland iyo kan Federaalkuba Puntland u fasaxeyso in deegaanadeeda ka baarato Shidaal balse faragelinta la dhaafo”Shuruuc baa ka taal dalka ,Dastuur baa yaala ,cidii meeshii iyadu degantahay oo awood u leh oo awoodaas Dastuurku siinayo ilaa dib loogu noqdo Dastuurkii oo dowladihii Federaalka dhameystirmaan inta ka horeysa faragelinta hala iska dhaafo….””ayuu yiri.

Shirkadaha doonaya Iney Shidaal ka baaraan gudaha Soomaaliya ayuu Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole uga digay iney tallaabdaas ku dhaqaaqaan isla markaana ka Joogaan in Hawshaas galaan.

Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Faroole ayaa u sheegay Shirkadihii hore Shidaalka uga baaray gudaha Soomaaliya ay Maamulka soo wargeliyaan hadey doonayaan in Shidaal baaraan mana Jirto ayuu yiri cid imaan karta ama keeni karta”

“Shirkadihii horey U Joogi jirayna hadey doonayaa anaga hanagala soo Xiriireen ,cid kale halkan keeni karta oo oran karta,waxbaa inaga siineynaa majirto ama cirka ha mareen ama yeyna marin””ayuu yiri Faroole.

Hay”adda Duulimaadyada Caalamiga ah ICAO ee dhawaan Dowladda Soomaaliya kula heshiisay in dib Hawada loogu Wareejinaayo mar uu ka hadlaayey Madaxweyne Faroole ayuu sheegay in heshiiskaas uu yahay sharci daro.

Wuxuu kaloo sheegay in Hay”adaha gacanta ku haya Hantida Soomaaliyeed ee dibada taala oo ay kamid tahay Hawada ilaa la dhameystiro Shuruucdii dib u heshisiinta Soomaaliya ay dhammaanto taasoo ah Hanti Ummada ka dhaxeya lana wada leeyahay

””ICAO,waxaan ugu baaqeynaa ineyan wareejin hantidaas ay Soomaalidu leedahay ilaa shuruucdii dib u heshisiinta Soomaaliya ay dhammaato,maxaa yeelay waa wax lawada leeyahay ….””ayuu yiri Faroole.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay ineysan Dowladda Federaalku Xaq u lahayn in la siiyo lacagta Kayda ah oo Bangiga dhexe lahaan jiray ee taala dalka Maraykanka. ….””Sidoo kale lacagaha keydka ah oo Bangiga dhexe lahaan jiray oo yaala wadamada dibada gaar ahaan Maraykanka oo u ahayd damaanada Lacagta Shilin Soomaaliga lama siin karo xaq uma leh in loo Isticmaalo si Xaqdaro ah …””ayuu yiri

Madaxweyne Faroole ayaa ku tilmaamay Dowladda fadhigeedu yahay Xamar mid wax uruursaneysa oo carareysa isla markaana fulin weyday heshiisyadii horey loo wada galay oo maamul ku ahaan lahayd”

“Waxaan u aragnaa Maamulka hada Xamar jooga inuu yahay Maamul wax uruursanaaya oo cararaaya haduusan saas ahayn hade wixii lagu heshiiyuu hirgelin lahaa oo Maamul ku ahaan lahaa…:””ayuu yiri. Midnimada Soomaaliya!! Madaxweyne Faroole oo khudbadiisu dheereyd ayaa sheegay in Puntland u taagantahay Midnimadeeda isla markaana doonayaa Soomaaliya oo mar kale dib isugu soo noqota balse wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in Hoggaankii dalka uu Xumaaday.

Warbaahinta Puntland  Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ammaan ballaaran Usoo Jeediyey marar badana aan looga baran Warbaahinta Puntland iyo Shirkadaha Isgaarsiinta,wuxuuna sheegay in mahad gaar u celiya isla markaana ay yihiin kuwa ka bislaaday in la Isticmaalo.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: