Calendar

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo sheegay inaan lagu qaban karin Taleex shir aysan iyagu raali ka ahayn

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Jan. Cabdisamad Cali Shire oo gaaray degmada taarikhiga ah ee Taleex,ayaa waxaa uu si adag uu uga hadlay shir la sheegay in laga qaban qaabinayo Taleex,waxana uu sheegay inaysan marnaba aqbali karin Puntland shir aysan wax ka ogeen inuu ka dhaco deegaannadeda.

Jan. Cabdisamad Cali Shire oo ay waheliyaan socdalka uu ku tagay Taleex,xubno ka tirsan gollaha wasiirada ee Puntland,xildhibaano iyo qeybo kale oo ka tirsan masuuliyinta Puntland ayaana wali la caddeyn mudda ay joogi doonan Taleex.

Waftigaan ayaa xiligii ay gaaren Taleex,waxaa halkaa ku soo dhaweeyey qeybaha bulshada ee Taleex,waxana loo galbiyey hoygii ay ka dagilahaayeen degmada,waxana masuuliyinta Puntland ee halkaa gaaray ay ka mahadceliyeen sida wacan ee loogu soo dhaweeyey Taleex.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Jan. Cabdisamad Cali Shire oo hadal jeediyey ka gadal markii la soo dhaweeyey ayaa soo hadal qaday arrimo dhor ah oo ay ka mid ahaayeen shir la sheegay in qaban qaabadisa ay socoto kaaso loogu magacdaray Khaatumo 3,waxana la xaqiijiyey in xubnaha shirkaasi agaasimaya ay doonayan sidii maamulka Khaatumo loo xoojin lahaa oo maamulka looga dhigi lahaa,kadib markii muddooyinkii danbe ay jiren is qab qabsi soo kala dhex galay masuuliyinta sar sare ee Khaatumo.

Cabdisamed Cali Shire oo soo hadal qaday shirka Khaatumo 3 ee qaban qaabadis aay socota ayaa sheegay inaan lagu qaban karin halkaas wax shir ah oo aysan iyagu raali ka ahayn, waa sida uu ku sheegay hadal warbaahinta qaar baahiyeen.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: