Calendar

Madaxweyne Sheekh Shariif oo Soomaalida ka codsaday inay is cafiyaan

Madaxweynihii dowladda kumeelgaarka ahayd SH Shariif SH Axmed oo Salaadda Ciidul-adxa kula tukaday Soomaalida fagaare ku yaal magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney guud iscafiyaan.

Madaxweyne Shariif SH Axmed oo la hadlayey dadweynaha Soomaaliyeed ayaa ka dhawaajiyey iney ahmiyad weyn leedahay iscafinta,qaasantan xiliyada ay ka mid tahay bishan aynu ku jirno,wuxuuna bulshada Soomaaliyeed ka dalbaday iney ka qayb qaataan horumarka iyo nabadda dalka.

SH Shariif SH Axmed madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa farta ku fiiqay in iscolaadin iyo jiidjiid aan waxba lagu gaareen,wuxuuna kula dardaarmay ummadda Soomaaliyeed iney la yimaadaan calool fiyoobi iyo jacayl si dalka looga saaro dhibaatada dabada dheeraatay ee uu mudada dheer kusoo jiray.

Madaxweyne Shariif SH Axmed ayaa Alle uga baryey inuu isku soo dumo quluubta ummadda Soomaaliyeed,wuxuuna u rajeeyey iney sanadka sanadkiisa kale ku gaaraan bashbash iyo Barwaaqo iyo dalka oo nabad ah,wuxuuna sidoo kale bulshada ku booriyey iney taageeraan dowladda hadda jirta si dalka loo samatabixiyo.

SH Shariif SH Axmed madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa dalka ka maqnaa tan iyo markii sana

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: