Calendar

Madaxweyne Xasan oo u dhoofay Itoobiya

Muqdisho (Bartamaha) Madaxweynaha dawladda federaalka ee Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta oo khamiis ah u dhoofay magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya.

Wafdiga madaaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa xildhibaanno iyo, wasiirro iyo la taliyeyaashiisa qaar ka mid ah, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ka qaadday diyaarad qaas ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hor inta uusan ka ambabixin magaalada Muqdisho, waxaa muddo saacado ah xirnaa wadooyinka qaar ee magaalada, halkaasoo ay xireen ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Gudoomiyaha baarlamaanka,ra’iisulwasaaraha iyo xubno ka mida golayaasha dawladda ayaa madaxweynaha ku sii sagootiyay garoonka diyaaradaha ee Aaden Cadde.

Madaxweynaha ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kaga qayb gali doona shir-madaxeedka urur goboleedka IGAD, kulankaas oo ay ka yeelan doonaan mushkiladaha ka taagan koonfurta Suudaan.

Madaxda sare ee DFS oo kulan qaatay

Madaxtooyada ayaa xalay kulan albaabbadu u xirnaa waxaa ku yeeshay madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamanka iyo ra’iisul wasaaraha, iyadoo la sheegay in kulanka lagu soo qaaday shirka maamulka loogu dhisi doono gobollada Koofur Galbeed ee ka socda Baydhabo.

Kulankaas kaddib ayaa waxaa iyaguna kulan gaar ah yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoomiyaha baarlmaaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, kaasoo aan la ogeyn waxay uga wada-hadleen.

Ugu dambeyn,Xasan Sheekh m/weynaha Soomaaliya ayaa hal maalin ku soo qaadan doono magaalada Adis Ababa maadaama shirka madaxda IGAD loogu talagalay hal maalin oo kaliya.

__

Xafiiska Wararka Muqdisho

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: